Talo: Ku Samira
Marka hore waxa aab halkaan ka salaamaa bahda wargeyska marka xiga waxa aan leeyahay samiira horta talo waa tii alle laakiin intii ugu muhiimsaneyd waa laguu soo gudbiyay sida aan wargeyska ka aqriyay marka waxa aan ku leeyahay horta ha ka quusan naxariista alle hana fududaan oo guur baahi aad u qabto yay kugu ridin meel aan munaasib kuu ahayn waxaad ka fiirsataa mustaqbalkaaga iyo wixii ku haboon oo aad uga baahantahay qofka kula wadaagaa nolosha si aad u hesho qofkaas waa in aad muujisaa dulqaad iyo faham dheeraad ah oo aad u fiirineysid dhalinyarada laga yaabo in aad la kulanto ama aad is taqaanaan markaas kii kuu cuntama ka xulo ogoow in ay muhiim tahay is fahanka labada qof oo aadan fiirin kii hore maadaama aad duruuf isku seegteen bal fiiri in aad is fahmi kartaan mid kale jaanisna sii si aad u fahntid dabeecadiisa akhlaaqdiisa IWM tan kale dhacdooyinkaan waa wax aad u caan ah oo dadka inta badan ku dhaca aniga nafteyda ayay igu dhacday inkasta oo aanan cidna talo ka weydiin hadna jaceylkeygii mudo ( 3.5) sedex sabno iyo bar aan wada soconay isma calfan duruufa jira aawgood hadaba dulqaad yeelo samiira dadkana jaanis aad isku fahamtaan sii.
by/ Cali Yare
Talo:
Gabadhii ninkeedu ku yiri haddii aynaan carruur isu dhalin haween kael ayaan guursanayaa S/C, salaantaas ka dib waxaan jeclaan lahaa in aan talo u soo jeediyo gabadhan uu ninkeedu leeyahay waan guursanaayaa, Runtii walaal horta waa arin laga fiican yahay in ninku uu xaaskiisu ula yimaado waxyaalo niyad jab ku keenaaya oo ay tani ka mid tahay (Waan guursanayaa iwm), hase ahaatee waxaan muran ka taagnayn in hadii labada qof ee is qabaa ayna caruur isu lahayn ay hoos u dhacayso kalgacalka ay isu hayaan (Idinku hal ilmo ah ayeydun leedihiinbee), hadaba walaal dhinaca dhasha waxay noqon kartaa in labad qof midkood Ma dhalays yahay, iyo in labadooda midkood cudur (Xanuun) hayo, marka ta hore aynu eegno cidi waxba kama qaban karto oo Rabi ayaa quraankiisa ku yidhi Dadka qaar anagaa wiilal siina, qaar gabdho siina, qaar isugu darna qaarna madhalays ka dhigno, tana kale oo laga yaabo in ay idinka idin khusayso ayaa ah in labada qof midkood (Ama labadoodaba) uu xanuun ku soo kordho, taas oo keeni karta in reerkii wax isu dhali waayaan, Hadaba waxa KHALAD 100% ah in ninkaagu uu u arko in uu isagu OK yahay, ciladuna dhinacaaga tahay, si taas aad u soo afjartaan waxa haboon in adiga iyo ninkaagaba aad la xiriirtaan dhakhaatiirta gaarka u ah arimahan, waxaana dhici karta in aydun dawo ka hesheen waayo waxaan anigu soo joog u ahaa arimahan oo kale mar aan joogay magaalada Addis-Ababa oo aan marmar badan u turjumay dad dhibaatadani haysato, oo markaas qaarkood dhibaatadu ay noqotay dhinaca Ninka oo la yidhi, gabadhu waxba ma qabto, ka dibna markii dawooyin iyo Irbado uu qaatay uu Ok noqday; Hadaba si kastaba ha ahaatee waxaan hadalkayga ku soo koobayaa Bal marka hore is baadha labadiinuba, ka dibna wixii baadhitaankaas ka soo baxa waan in lagu xisaabtaa. Waxaynu nahay Umad islaam ah sidaas darteed markastana xasuusnaada QADARTA Rabi, oo hadii Rabi idiin qoray halkaas ilmaha ah waxaad ogaataa in cidina aanay idin siin karin ilmo kale, sidaas darteed wax alleele wixii idinku dhacaa waa wax Rabi idiin qoray. Waxaan idiin rajeenayaa adiga iyo odeygaagaba guul iyo horumar, samir iyo dulqaad. Waad mahadsan tihiin.
By/ Daacad.
Ilatalida Bishan.
Ila Tali:
Waxaan ahay wiil dhallin yaro ah waxaan jecladay gabadh anigoon wax shqo ah haysan ka dib gabadhu waxay ahayd gabadh aad u qurxoon runtiina aad iiga yar waan gursaday gabdhii ka dib waxaan tagnay wadanka dibadiisa anigoon aroosan gabadhii, ka dib waxay i sugaysay ilaa shan sano maalin malmaha ka mid ah ayay waxay ii shegtay maadadama ay intaas i sugaysay in ay hadda diyaar u tahy guri ay leedayahy iyo ninkeedaba in ay hesho anna runtii maan awoodayn waxaana ku idhi isug, hadda wax aan hayaa ma jirto lakiin way iga diiday iyada oo leh intaas ka badan maku sugyo ayana iga codsatay haddii aanan gaysanayn guri ooyna xaas noqonayn in aan furo ana aad baan u jeclahay mana noolan karo la anteed bal walalo ila soo taliya arintaas seen u xalin karaa?
Talo:
Sida qoraalkaaga ka muuqata mushkiladda ku haysata waa mid dhaqaale. Gabadhu xaq ayay u leedahay in ay ku tiraahdo waqti badan ayaan ku sugayay ee aynu reer noqono, waxa ka soo qaadaynaa in aad ku nooshihiin meel aan laga shaqaysan Karin, haddii arrintu sidaas tahay waa qiyaasi kartaa inta aad rajo ku noolaankartid adiga oo gadaal u fiirinaya 5-tii sano ee la soo dhaafay. Waxaan kugula talin lahayn haddii ay suurto gal idiin tahay inaad nolol maalmeedka dabaran kartaan sida; guriga raashinka iwm inaad meel degtaan waayo waxaa muuqata inaad is jeceshiin oo aad wax laaanta isugu dulqaadataan. Haddii ayan taasi suurto gal ahayn waa inaadan gabadha waqti danbe ka lumin ee aad iska furtid laga yaabee in Ilaahay faraj kale labadiinaba idiin sahlo. Haddii aadan labadaas tilaabo mid ku dhaqaaqin waxaa laga yaabaa inaad mar waqti badan idin ka lumay aad tilaabada talada labaad qaadataan marka inta goori goor tahay goaan gaar adiga oo ka faaiidaysanaya codsigaan iyada ka yimid. Ilaahayna ammuurihiina ha idiin sahlo.
Ila Tali:
waxaan ahay wiil 32 jir ah kuna nool UK qaasatan London waxaan xiriir wada yeelanay gabar Soomaaliyeed taas oo aan kuwada nool nahay London markii aan wax walba isla meel dhignay ayey habeen habeenada kamid ah waxey igu tiri walaalow guur uma soo jeedo aniguna aad iyo aad ayaan u jeclahay kamana hari karo iyaduna wax sabab ah oo aan uga haro iima soo bandhigin by/Ugaar
Talo:
Inkasta oo ayan gabadhu kuu sheegin wax sabab ah haddana waxaan shaki ku jirin in ay jirrto sabab weyn oo ku kaliftay in ay ka baxdo heshiiskii idin dhex yiil. Waayo gabar iyo wiil walba waxa ay habeen iyo maalim ku fakaraan in ay helaan qof u qalma oo ay nolosha la wadaagaan. Waxaa habboon inaadan ka quusan in ay kuu sheegto sababta. Haddii aad jeceshahay ayna ku diiday hal arrin ah ayaad samayn kartaa waa adiga oo ka tashada waayo qof bini aadan ah lama khasbi karo. Tan kale oo is waydiinta mudan haddii aad tihiin laba qof oo is jecel waa ay kuu sheegi lahayd sababta si haddii ay tahay arrin la sixi karana loo saxo haddii kalena uu qof walba danihiisa u raacdo. Waxaa dhici karta in jacaylka aad adigu u qabtid ayan iyadu kuu qabin, sidaad ogtahayna jacaylku waa laba dhinac, haddii mid meesha ka baxo waa dumay jacaylkaasi. Waqti badan oo danbe ha ku lumin qof inta ballan kula gashay markii aad diyaar garowday ku tiri diyaar ma ahi.