Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Siteember 2002

Published on: 2002-09-01 09:30:03

Qaybtii 8aad - Qaabkii golahu u dhisnaa

Xoghayaha guud ee golaha waxaa loo doortey Cabdullaahi Xasan Maxamad oo xilligaas shaqaale ka ahaa wasaarada waxbarashada Soomaaliya. Cabdullaahi wuxuu kormeere ka ahaa dugsigii sare ee Jamaal Cabdi Naasir ee Allaahida, reerka uu u dhashayna waa (Bartire). Bartiruhu waa qabiil Soomaaliyeed ee degaankoodu yahay magaalada Jigjiga, laakiin Cabdullaahi waa nin ku dhashay Qarrijiqood oo degmo Ogaadeen ah. Halkaas waxaa ka muuqaneysa in beelaha Ogaadeen eeyan ka dideynin in nin noocan ah uu hoggaamiye ka noqdo halganka. Inkasta oo magacaabidda Cabdullaahi ay ka timid madaxweynaha, misana ninka taladeeda lahaa, sida la wariyey wuxuu ahaa Gaashaanle Sare Maxamuud Shiikh Yuusuf(waxuu ku dhintay diyaaraddii la dhacday jeneraal Cismaan Saalax). Uurdoox oo xabsiga ka soo baxay waxaa loo doortay ku xigeen. Fadhigu ma\'aheyn mid ay dood ka furan-tahay. Magaca ururka oo keliya ayaa laga doodey, mar dambena waxaa leysku raacey W.S.L.F. Fadhigaas waxaa leysku afgartey dhulka la yiraahdo Soomaali galbeed inta uu noqonayo. Waxaa la xadeeyay xuduuddii dhulka Ogaadeenya, waxaana lagu heshiiyay sidatan : dhanka waqooyi wuxuu ku eg yahay webiga Hawaash, koonfurna degmada Feerfeer, dhanka bari degmada Ceelcad, gabeedkana degmada Mooyaale. Xilligaas wuxuu ahaa xilli aanan laaasaa-sin weli jabhaddii Abbo jinaaxeedii siyaasadda, inkasta oo ay ciidamadoodii howlgallo ku jireen. In badan oo ka mida dhulka fadhigan lagu xadeeyey waxaa lahaa reer Abbo. Arrin kale oo nuq-saan ah ee ka muuqatay baa waxey ahayd in fadhigu ay ka maqnaayeen beelo badan ee Soomaaliyeed ee dega gobolka Ogaadeenya. Taasina waxaa loo badinayaa sababta ay ku dhacday in ay tahay kalsooni ay dowladdu isa siisay oo ah mar haddii ay Soomaaliya xukumaan, qabaailka faracyada ah ee Ogaadeenya degganna waa ay idin hoos imanayaan. Arrintaasina ficil bey u sameeyeen oo matalan Faarax Waceys Duule oo xilligaas ahaa wasiirka shaqada iyo cayaaraha wuxuu masuul ka ahaa abaabulka beesha Ciise ee waqooyiga Itoobiya. Waa arrin aanan khalad aheyn aragtida noocaas ah in ay is tusiyaan dad Soomaaliya masuul ka ah, laakiin halka khaladka ka jirey baa waxey aheyd in aanan dadkii degaanka taladii wax laga siinin.

Markii dowladdii soomaaliyeed ay ku guuleysatay in ay dhisto ururkii ahaa Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed, lix bilood dabadeed ayaa ururkii Abboo isna la dhisay, wixii muddadaas ka horreeyay dagaallada ka socday Baali iyo Siidaamo ma eeyan habeysneen. Bishii juun bartamaheedii sannadkii 1976-kii ayaa fadhi lagu qabtay degmada Qoryooley, waxaa ka soo qeyb galay saraakiishii hoggaaminayay kooxaha dagaalka wadey iyo odeyaashii qaxootiga gobolladaas ka yimid. Halkaa waxaa lagu doortey 9 nin oo guddi fulin ah. Xoghaye guud waxaa loo doortey Ruube, ku xigeen waxaa isna loo doortay Waaqoow Guuto oo labaduba ay ahaayeen Oromo. Golaha waxaa ka mid ahaa labo nin oo tacliintoodu gaarsiisan tahay heer jaamicadeed. Ruube sababta loo doortay waxaa ay aheyd isaga oo Soomaalida xiriir fiican la lahaa. Fadhiga waxaa kale oo lagu guddoonsadey calan uu ururka Abboo leeyahay iyo in dagaalka lagula jiro Xabashida la joogteeyo. Arrin muran dhalisay baa wexey aheyd markii leysku dayey in la sawiro joqraafiga uu dhulka Abboo ku fadhiyo, halkaasna waxaa isku khilaafay labadii jabhadood, waayo jabhadda W.S.L.F. waxaa ay sheeganeysay gobolka Baali intiisa badan iyo koonfurta Siidaamo.

Waxaa kale oo muran dhaliyey iyaduna magacii jabhadda loo bixin lahaa. Fadhigaasi wuxuu ku sigtay in leysku af-garanwaayo, ugu dambeystiise waxaa la soo bandhigay aragtiyaal kala duwan oo ku saabsan magaca ururku yeelan doono. Qolo waxaa ay soo jeediyeen in la qaato magaca Soomaali Galbeed oo uu Waaqow Guuto horey u isticmaali jiray sannadihii 1960-aadkii. Taasi waxaa ku qanci waayey xubnihii Oromada ahaa ee jeclaa halka magaca Soomaali la istic-maalayo in ay ka habboon tahay magaca lala baxayo in uu ka muuqdo magaca Oromo. Magaca Oromo oo qayaxanna Soomaalida ayaan raalli ku noqoneyn waayo waxaa jira Oromo badan oo diintoodu tahay kirishtaan, afkooduna yahay Af-amxaariga, kuwaas oo ku milmey siyaasadda Itoobiya. Oromada noocaas ah waxaa ay ciidammada Itoobiya ku leeyihiin saraakiil iyo askar badan, waxaa laga xusi karaa oo ka mid ah Tafare Baante oo ahaa janeraalkii uu Mingiste ka qabsadey xukunka. Magacyada la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa (Jabhadda Baali iyo Siidaamo), iya-duna si wadajir ah ayaa loo diiday. Ugu dambeyntii waxaa leysku waafaqay magaca ah (Soomaali Abboo) kaas oo magaca Soomaalina lagu xusay, ereyga Abboona lagu xusay. Abboo waa eray leysugu yeero oo la macna ah halka ay Soomaalidu (Waryaa) ka tiraahdo, waxaana isticmaala Oromada deggan gobollada Baali iyo Siidaamo oo keliya. Sidaas baa muwaafaqo lagu helay lagula baxo magac ay ka muuqdaan dadkii degaanka. Waxaa kale oo iyadana muran adag ka yimid shakhsiyadda (Identity) ay jabhaddu yeelaneyso iyo degaankeeda. Ragga Golaha fulinta loo doortay badankood waa raggii sannadihii 1960-aadkii ka soo qeyb qaatay dagaalladii Itoobiya lala galay.

Dadka deggan degaamada la doonayo in lagu duulo waxaa u taliya odeyaal qabaail (Traditional Leaders). Halkaa waxaa muuqata in ay adkaaneyso in Golahan ay ku guuleystaan in ay helaan kalsoonida dadweynaha degaanka. Sidaa darteed baa waxaa ay ku qasba-naadeen in fikradda lagu dagaal gelayo ay ahaato mid diini ah dagaalkana loo yeelo weji ah gaalo iyo islaam diriraya. Taasi waxaa ay sahleysaa in taageero buuxda laga helo dadka degaanka.

Back to Category