War been ah oo ku saabsan gabar bahal noqotay ayey saxaafada Soomaalidu qaarkood baafinayeen maalmihii lasoo dhaafay.
Maalmahaan waxaa la isla dhex maryey gabar intay kitaabka dhulka ku tuurtay Allah u bedelay bahal aan la garanayn. Dad badana yaa Somalinet email usoo diray waydiinayana sababta arinkaas mucjisada ah SomaliNet uga aamustay.
Hadaba warkas waa been oo sawirka meelaha ku dhagani waa mid gacanta lagu sameeyey. Beentaan intaan loo badalin gabar Islaam ah waxaa markii hore dadka lagu oran jirey waa cid ku nool waddanka Australia. Waa farsamo \"computer graphics\" la sameeyey 2003-kii.
Internetka hadaa sii baartidna waxaad ka heli kartaa sawiro intaas ka badan.
Waxaad ku kala ogaan kartaa warka beenta iyo kan runta waa markay dhacaan wax weyn oo yaab leh aduunka dhan ayaa ka hadla oo lama qariyo.
Sawirada kale waxaad ka arki kartaa website-kan:
<a href=\"http://www.patriciapiccinini.net/wearefamily/\" target=\"_blank\">http://www.patriciapiccinini.net/wearefamily/</a>
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!