Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Baarlamaanka dowlada federaalka oo ka doodaya argagixisada Somalia

Published on: 2007-05-03 08:00:38

(SomaliNet) Wararka laga helayo magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in golaha baarlmaanka manta la filaayo in ay ka doodaan qorshaha la dagaalanka argagixisada, iyada oo la filaayo in xildhibaano cusubna la dhaariyo.

Wararka ayaa sheegaya in xildhiaabanada marka ay manta ka doodaan qorshaha la dagaalanka argagixisada la filaayo in ay ansixiyaan, iyada oo dhowr jeer oo hore baarlamaanaka ay dib u dhigeen qorshahan.

Wararka waxa ay leeyihiin kulanka maanta ayaa waxaa lagu wadaa inay ka soo qaybgalaan xildhibaanada baarlamaanka ee

Baydhabo ku sugan, waxaana kulankaan oo uu shir

guddoomin doonoa Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ay si weyn uga doodi doonaan xildhibaanadu sida laga yeelayo.

Doodda sharcigaan kaddib ayaa lagu wadaa inay ansixiyaan golaha Baarlamaanka, iyadoo xildhibaanno badan oo ka tirsan, baarlamaanka ay diideen in sharcigaas la ansixiyo, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu dhibaatooyin shaqsiyaad gaar ah.

Dhanka kale waxaa lagu wadaa in maanta lagu hordhaariyo xildhibaannada hortooda qaar kale oo ka mid ah xubno badalaya xidhibaannadii dhawaan jagooyinkooda ay ka qaadeen xubnaha baarlamaanka ee gaaraya 31-ka xubnood.

Back to Category