(SomaliNet) Kulankii magaalada Qaahira ee dalka Masar ay ku yeesheen kooxda xiriirka caalamiha ah ayaa waxaa ka soo baxay bayaan lagu muujinayo sida ay kooxdaasi u taageersan tahay hay-adaha dowlada federaalka ee Somalia iyo in loo baahan yahay in dagaalada Muqdisho ka socda la joojiyo.
Kulanka ay kooxda xiriirka caalamiga ah ay ku yeesheen Qaahira ayaa lagu muujiyay in dhinacyada isku haya dagaalada Muqdisho ka socda ay si deg deg ah u joojiyaan, waxaana bayaan ka soo baxay kooxdaasi lagu sheegay inay si xoogan u canbaareeynayan fal kasta oo argagixisinimo oo qatar galinaya dowlada federaalka ee Somalia.
Kooxda xiriirka caalamiga ah ee Somalia oo ka kooban Mareykanka, Norway, Italy, Britain, Tanzania, Sweden iyo wakiilo ka socday dalalka Midawga Yurub iyo midawga Africa, iyadoo kooxdasi ay dareen weyn ka muujiyeen dhibaatooyinka soo gaaraya shacabka soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay dagaalkii Muqdisho ka qarxay dabayaqadii todobadkii tagay.
Ururka jaamacad carabta ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta ee Somalia ay ka qeybgalayaan dhamaan qeybaha kale duwan ee Somalia, iyagoo sheegay inaan kaliyah loo ogoleen inay hsirkaasi ka qeybgalaan kooxaha aaminsan xag jirnimada.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee ay kooxda xiriirka caalamiga ah ay bayaan ka soo saaraan isbedelka siyaasadeed ee arimaha cakiran ee dalka Somalia ka jira.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!