(SomaliNet) Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhacay tuulada Lugo Raqso oo ka tirsan gobolka Mudug, halkaasoo ay dirir kudhexmartay labo maleeyshiyo beeleed.
Ugu yaraan ilaa 3 ruux ayaa ku geeriyootay, iyadoo tiro intaasi ka badana ay dhaawacyo ka soo gaareen dagaalka manta ka dhacay degaanka Lugoraqso ee gobolka Mudug sida at xaqiijinayaan dadka goob joogayaal ah.
Dhanka kale odoyaal ka tirsan beelaha ku dagaalamaya deegaankaasi ayaa lagusoo waramaya inay wadaan waan waan la xiriirta sidii dagaalka loo qaboojin lahaa.
Dagaalkaasi aya ka bilaawday aanooyin dhanka qabiilka ah kadib markii uunin dilay nin kale ay sababtay inuu dagaalku qarxo.
Dagaalada ka dhasha dhanka aanooyinka ayaa sababo dhaliya iska hor-imaadyo dhexmara qabaa’ilada soomaaliyeed.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!