Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dagaalkii Muqdisho oo todobo jirsaday

Published on: 2007-04-25 08:30:13

(SomaliNet) Dagaaladii cuslaa ee u dhaxeeyay ciidamada Ethiopia iyo kooxaha wax iska caabinta ee ka sodca magaalada Muqdisho ayaa galay maalintii todobaad.

Dagaaalkaasi oo la isku adeegsanayo hubka culus iyo kan fudud ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac xad dhaaf ah, iyadoo ay magaalada ka barakacaan inta badan shacabkii ku dhaqanaa magaalada Muqdisho kuwaasoo u baqoolay deegaamada u dhow dhow.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa deganeyd xalay , iyadoo saakay aroortii uu dagaal xoogan ka qarxay aaga Jamhuuriya, halkaasoo ay isku haleen labada dhinac ee Muqdisho ku dagaalamayo, iyadoo sidoo kale dhabarka dambe ee hotel Ramadaana uu dagaal kala eka socdo sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka ku dhaqan oo aan qadka telefoonka kula xiriirnay saakay.

Wali waxaa si xoogan uga socda duqeyntii lagu hayay goobaha ay shacabka ku dhaqan yihiin ee magaalada Muqdisho ka tirsan, iyadoo cidiamada Ethiopia ay si arxandaro ah isaga ridayaan madaafiicda goobta iyo kkuwa loo yaqaano P.M-ka.

Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay labadii maal-mood ee la soo dhafay ayaa lagu tilmaamay inay ahaayeen kuwii ugu darnaa ee soo mara taariiqada inta la og yahay.

Back to Category