Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Dagaalo culus ka socda maalintii 5aad Muqdisho

Published on: 2007-04-23 08:03:06

(SomaliNet) Ughu yaraan 10 qofood ayaa ku geeriyootay, iyadoo tiro intaasi ka badana ay dhaawcyo kala duwan ka soo gaareen kadib dagaalo qaraar oo saakay ka bilaaday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, halkaasoo ay isaga soo horjeedaan ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda.



Dagaalka oo galay maalintii 5aad ayaa wuxuu ka soconayaa isgoyska Fagax, xaafada Jamhuuriya iyo agagaarka hotelka Towfiiq ee magaalada Muqdisho, dagaalkaasoo la isku adeegsanayo hubka culus iyo kan fudud, iyadoo qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho si weyn looga maqlayo dhawaaqa rasaasrta iyo waliba midka madaafiicda ay isweydaarsanayaan labada dhinac ee isku hayo gacan ku heynta magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ethiopia ayaa wali iska ridaya madaafiicda waa weyn, kuwaasoow axyeelo u geysaneysa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, iyadoo ay buux dhaafsameyn isbitaalada ku yaalo magaalada Muqdisho, kuwaasoo la ciir ciiraya dadka dhaawaca ay ee la geynayo isbitaalada Muqdisho ku yaalo, waxaayna dhaqaatiirta caafimaadka ka digayaan in la joogiyo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho maadaama ay la heyn goob iyow ax lagu daweeyo dadka ku soo dhaawacmay dagaalka.

Dagaalkaan ayaa bilaawday aroortii hore e saakay kadibv markii ay magaaladu ka deganeyd shalay galinkii dambe ilaa iyo xalay, iyadoo ay jireen rajo laga qabay in xal laga gaaro dirirta u dhaxeeysa labada dhinac ee isku hayo Muqdisho.

Back to Category