Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Degamada Afgooye oo heysashada hubka laga mabnuucay

Published on: 2007-04-29 08:57:28

(SomaliNet) Maamulka degamada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa maanta soo saarey wareegto dadka ku dhaan magaaladaasi lagu amrayay in aysan magaalada gudaheeda ku dhex aadan karin wax hub ah.

wareegtada maamulka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in kadib markii la kala garan waayey ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka iskood u madax banaan ee halkaasi jooga, iyada oo mid ka mid ah maamulka degamada uu sheegay in cidii hub ku dhex qaadata magaalada ay talaabo ka qaadi doonaan.

Gudoomiyaha degmada Afgooye oo aan la xiriiray ayaa ii sheegay in kadib markii maamulka degmada ay shir yeesheen ay isla garteen in ay amarkan soo rogaan, isaga oo sheegay in amarkan uu wax weyn ka tari doono sidii amaanka loo ilaalin lahaa.

Si kastaba, amarkan ka soo baxay maamulka degmada AFgooye ayaan ahayn kii ugu horeeyay ee maamulka ay soo saareen, inkastoo amar midkaan ka horeeyay uu halkaasi ka dhaqan geli waayay.

Degmada Afgooye waxaa degen ciidamo aad u faro badan oo ah kuwa dowlada federaalka kmg-ka Somalia, kuwaasi oo amaanka degmada kaalin weynka ciyaara.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee amar nuucaan ah ay soo saaraan maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose.

Back to Category