(SomaliNet) Wararka laga helayo magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi laghu qabtey gaari sida la sheegay wadey walxo qarxa.
Xubno ka tirsan saraakiisha ciidamada booliska dowlada federaalka ee Baydhabo ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa iy hub fudud.
Dhame Aadan Biid, Taliyaha saldhigga degmada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in ciidamada amaanka ee jooga koontarooolka Bakiin ay gacanta ku dhigeen gaarigan oo sidey hub isugu jira hoobiyeyaal iyo waxyaabo kale oo qarxa oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo.
Hubkaan ayaa waxaa lagu soo dhex qariyay bundado waaweyn oo ay ku jireen dharka huudheeyda, iyadoo sidoo kale gaarigaasi lagu qabtey 3 ruux oo kale oo lagu eedeeyay in ay wateen qalabkaan.
Waxa uu sheegay in ay baaritaano ku wadaan dadkani iyo hubka ay ku qabteen.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!