<|mogadishu200704281.jpg|Madaxweyne C/Lahi Yusuf|left|>
(SomaliNet) War Cad oo kasoo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa kaga hadlay xaalada Magaalada Muqdiso waxaana erayadiisa oo dhamaystiran ay u qornayd Sida hoos ku qoran: -
1. Waxaan ku faraxsanahay in magaala Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ay kusoo laabatay xasiloonidii ka dib markii uu joogsaday dagaalkii ka socday baryahan dambe, in kasta oo ay weli socdaan hawlo dhameystir ah oo lagu sii sugayo nabadgalyada.
2. Sidii aan horey marar badan u caddeeyey, Dowladu waxay dagaal kula jirtay kooxo is biirsaday oo dib isu abaabulay kana haray ururkii la baxay Ururka Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Ururo argagixiso ah oo ku soo kordhiyey dad iyo maalba. Kooxahaasi waxay diideen inay nabadda Soomaaliya ku wada heshiisay qaataan, waxayna go\'aansadeen in ay weerar ku qaadaan xarumaha dowlada, sida Madaxtooyada, Deegaamada ciidamada, deegaanada Madaxda Dowlada, Saldhigyada ciidamada AMISON IWM. Sidoo kale waxay si bareer ah u dilayeen, saraakiisha dowlada waxayna cabsi handadaad iyo caburin ku hayeen shacabka. Ugu dambeyntii waxay dagaal ka bilaabeen magaalada, iyagoo xabada ka soo ridaya guryaha iyo xaafadaha la degan yahay oo gabaad ka dhigaynaya shacabka rayidka ah.
3. Ka dib markii dawladdu ay qiimeysay xaaladda nololeed ee shacabka waxay ku amartay in ay shacabku ka baxaan deegaamada ay gabbaadka ka dhigteen kana soo dagaalamaan.
4. Sidaasi darteed, Dowladda federaalka kmg ahi, waa ku khasbanaatay in ay badbaadiso shacabka iyo dowladdaba, Taasina waxay sababtay in dad rayid ahi ku geeriyoodaan ama wax ku gaaraan, in badan oo kalena ay ka qaxdo iyaga oo badbaado raadinaya kana cararaya colaada ka soo cusboonaatay Magaalada.
5. Waxaan u tacsiyeynayaa shacabka Soomaaliyeed iyo eheladii dadkii waxa kusoo gaareen dagaallada, intii ku geeriyootayna waxaan eebe uga baryayaa inuu Jannada ka waraabiyo.
6. Waxaan shacabka rayidka ah oo qaxay ugu baaqayaa, kana codsanayaa in ay guryahoodii ku soo noqdaan maadaama magaalada hada xasiloon tahay, dowladuna waxay gacan buuxda ka geysanaysaa sidii ay ugu sahli lahayd soo noqoshadooda. Waxaan kaloo ka codsanayaa in ay intii karaankooda ah ka hor tagaan wixii ku soo dhex dhuumanaya si ay mar kale dagaal ugu ridaan Magaalada. Dawlada Fkmg ahi waa ka go\'an tahay in ay shacabka ka badbaadiso wax kasta oo khatar ku ah nabadda iyo xasiloonida.
7. Waxaan halkan ugu baaqayaa Adduunweynaha iyo hay\'adaha caalamka in ay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo shacabka deggan Muqdisho ee ku barakacay dagaalada, wax walbana mutay si ay naftooda u badbaadiyaan. si deg deg ah waxaay ugu baahan yihiin gargaar caafimaad, Cunto Teendhoyin IWM. Dhamaan garoomada dayuuradaha iyo dekadaha Soomaliya waxay u furan yihiin wixii gargaar ah ee caalmku soo gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed. Si amaankooda loo sugo hay\'adaha caalamku waa in ah isticmaalaan garoomada iyo dekadaha gacanta dawlada ku jira uguna dhow meelaha shacabku u qaxeen kuna tabaaleeysan yihiin.
8. Waxaan ugu baaqayaa ummada Soomaaliyeed in dowladdu soo dhaweyneyso qof kasta oo soomaali ah, oo aan dagaal kula jirin shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed, si nabad ahna wax ku raadinaya sidoo kale qof walba oo doonaya inuu ka shaqeeyo danaha iyo mustaqbalka soomaaliyeed isaga oo u maraya dariiq nabad iyo wada xaajood ah dowladu waa soo dhaweynaysaa.
9. Waxaan kaloo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u soo jeestaan in ay gacantooda ku qabsadaan nabadda usoo noqotay iyo dowladnimada u curatay waa in ay ka fogaadaan colaad, xasilooni darro, hubkana iska dhigaan una soo jeestaan wax qabsi iyo nolol karaamo iyo sharaf leh.
Shirkan jaraa\'id ee uu madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa kusoo beegantay xili dowlada Federaalka kmg ciidamadeeda ay gacanta ku dhigeen guud ahaan magaalada Muqdisho.
<|mogadishu200704282.jpg| |center|><|mogadishu200704283.jpg| |center|>
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!