Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Maxaabiis ka baxsatay xabsi ku yaalo Kismaayo

Published on: 2007-04-27 07:24:39

(SomaliNet) Xabsiga ku yaalo magaalada Kismaayo ayaa waxaa xalay ka baxsaday maxaabiis aan tiradooda la shaacin oo ku jirtay xabsigaasi, kuwaasoo loo haystay inay geysteen falal dilal ah oo ka dhacay gobolada Jubbooyinka

Baxsashada maxaabiistaasi ayaa timid kadib markii sida la sheegay ay jabsadeen albaabka xabsigaas, iyadoo wararka ka imaanaya Kismaayo ay sheegayaan in maxaabiistu ay orod ku baxsadeen xili ay inta badan ciidamada ilaalada xabsigaasi ay ka maqnaayen halkaasi, kuwaasoo la sheegay inay ku yaaceen gudaha Kismaayo.

Masuul ka tirsan ciidamada amaanka ee Jubbooyinka ayaa sheegay in lagu raad joogo maxaabiista isaga baxsatay xabsiga Kismaayo, iyadoo ay ciidamada booliska ay baaritaano u hayaan xaafadaha kale duwan ee Kismaayo si ay bal u soo qabtaan maxaabiista xabsiga ka baxsatay, kuwaasoo lagu tuhmayo inay wali ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Kismaayo.

Maxaabiistaan ayaa wararku waxay sheegayaan inay sii daayeen askarta ilaalada xabsiga Kismaayo, kaddib markii isku dhac weyn uu soo dhex galay iyaga iyo taliska booliiska Kismaayo waxaana la sheegaya in xiligii ay baxsanayeen maxabiista ay ogaayeen qaar ka mid ah askarta ilaalada bxabsiga, taasoo loo maleynayo inay iyagu ka dambeeyeen baxsashada maxaabiistaasi, hase yeeshee lama xaqiijinkaro arintaasi.

Waa markii ugu horeeysay ee maxaabiis ku jirta gacanta dowlada ay ka baxsadaan xabsiga Kismaayo xili ay halkaasi ku uagn yihiin wafdi ka socda dowlada federaalka ee Somalia, kaasoo uu hogaainayo wasiirka arimaha gudaha md Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo dheere) tan iyo markii ay dowladu gacanta ku dhigtay Kismaayo, waxaana jirta in dhawaan uu halkaasi dagaal beeleed ka dhacay.

Back to Category