(SomaliNet) Gudoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii magaalada Muqdisho Cadde Xasan Cali Gaaboow ayaa xilkiisii laga qaadey iyada oo xilkaasina ay dowlada federaalka u magacawdey mid ka mid ahaa xubnihii ku jirey isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.
Maxamed Cumar xabeeb (maxamed Dheere), gudoomiyihii maamulkii shabeelaha dhexe, kana mid ahaa isbahaysigii la dagaalanka argagixisada ayaa loo magacaabey gudoomiyahaiyo duqa magaalada Muqdisho, iyada oo wareegta ka soo baxdey xafiiska ra\'iisal wasaaraha lagu shaaciyay magacaabistaasi.
wareegtada ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay timid, kadib markii ay soo baxdey baahi la xiriirta in la dar dar geliyo howlaha gobolka Banaadir.
madaxweynaha dowlada federaalka SOomaaliyeed ayaa ansixiyay wareegtadan, waxaana lagu wadaa in wareegtadan ay dhaqan gasho saacadaha soo socda.
Magacaabista gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa timid maalmo yar kadib markii dowlada federaalka ay shaacisay in dagaalkii ay kula jirtay kooxihii ka soo horjeeday ay uga adkaatey.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!