Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Qarax Kismaayo ka dhacay

Published on: 2007-05-03 08:01:23

(SomaliNet) Magaalada Kismaayo, xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa ka dhacay qarax Bam, kaasi oo sida la sheegay uu ku geeriyoodey hal qof, sida ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah.

Qaraxan ayaa dhacay fiidnimadii xalay, wuxuuna ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo iyo magaalada, waxayna wararku sheegayaan in qofka geeriyoodey uu ahaa qofkii qarax doonayay in uu geysto.

Wararka waxa ay leeyihiin Bamkan ayaa la doonayay in lagu aaso wadada, iyada oo xilligaasina la sheegay in ay halkaasi soo mari lahaayeen wafdi ka tirsan dowlada federaalka oo Kismaayo jooga.

Qofka bamka aasayay ayaa lagu soo waramayaa in ay si xun uu u jar jaray Bamka, waxaana la helay qeybta sare ee jirkiisa iyo mid ka mid ah gacmihiisa, sida uu xaqiijiyay Ibraahim Khaliif Shanfool oo saxaafada la Hadley.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid garatay ruuxan la sheegay in uu doonayay in uu bamka aaso ee ku geeriyoodey, lamina oga sababta xilligan keentay in Bamkan lagu weeraro mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka oo Kismaayo joogta.

Dowlada federaalka ayaa wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano uuna ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha u direy Kismaayo si ay u dhex dhexaadiyaan dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.

Back to Category