(SomaliNet) Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaa hoose ayaa sheegaya in qarax xoogan oo laga maqlay dhamaan daafaha ay ka kooban tahay degmada Afgooye uu ka dhacay beerta Cabdiraxmaan Jaamac Barre, halkaasoo ay fariisin u tahay ciidamada Ethiopia ee degmadaasi ku sugan.
Lama qayaano qaraasaha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi maanta lala beegsaday fariisinka ay ciidamada dowlada Ethiopia ku leeyihiin beerta Cabdiraxmaan Jaamac Barre ee degmada Afgooye.
Sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka waxaa qaraxaasi uu ka dambeeyay markii uu qof naftiis hure ah uu ismiidaamiyay, kaasoo ku geeriyooday falkaasi qaraxaasi ee uu geystay, iyadoo uu ruuxa qaraxa geystay uu watay gaari Hilux oo laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa.
Waa qaraxii 3aad ee isla todobaadkaan gudahiisa loo geysto ciidamada Ethiopia ee dagaalada Muqdisho ka socda ku lugta leh, iyadoo gaari Uraal ah miino loo dhigay ay ku naf waayeen tiro fara badan oo ka mid ah askarta Ethiopian ah oo marayay agagaarka Lafoole ee isla deegaanka Afgooye, waxaana sidoo kale qruux naftiis hure ah uu isku miidaamiyay xarunta asluubta, halkaasoo fariisin u ah ciidamo Ethiopian ah.
Qaraxyadaan lala beegsanayo ciidamada Ethiopia ayaa ku soo beegmaya xili ay dagaalo qaraar wali ka soconayaan gudaha magaalada Muqdisho, halkaasoo ay isaga soo horjeedaan ciidamada Ethiopia iyo kooxo diidan joogitaanka ciidamada Ethiopia ee gudaha dalka Somalia.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!