(SomaliNet) Wararka naga soo gaaraya deegaanka Owdhigle ee gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in wabiga Shabeele uu ku fatahay deegaankaasi.
Biyaha wabiga Shabeele ayaa gaaray qeybo ka tirsan xaafadaha ay ka kooban tahay degaanka Owdhiigle ee gobolka Shabeelada hoose, iyadoo dadka ku dhaqan deegaankaasi ay durbadiiba bilaabeen inay la tacaalaan biyaha fara badan ee kaga yimid dhanka wabiga, taasoo qal qal galisay dadka ku dhaqan deegaankaasi Owdhiigle.
Ma jiraan wax qasaare uu u geystay guryihii ku yaaalay iyo dhul beereedka degaanka Owdhiigle, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa in fatahaadi wabiga Shabeele ee deegaanka Owdhiigle ay sii kororto, isla markaasina qay qasaaro u geysto dhul beereedka iyo dhismayasha ku yaalo deegaankaasi.
Fatahaada wabiga Shabeele ee deegaanka Owdhiigle ayaa ku soo beegmeysa xili uusan wali si fiican uga curan xiligii gu\'ga ee dalka Somalia.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!