Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Wadooyinkii ku xirmay dagaalada oo dib loo furay

Published on: 2007-04-29 08:55:38

(SomaliNet) Wadooyin ku yaalo magaalada Muqdisho oo u xirmay dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho ayaa maanta dib loo furay kadibmarkii ay xirnaayeen wadooyinkaasiku dhawadmudo bil ah .

Wadada iskuxirta Siinaay ilaa iyo K.M.4 ayaa maanta lagu arkayay gaadiidka B.L-ka ee ka shaqeyna wadadaasi,kuwasoo aan inmudaaka howlgalin wadaadaasi.

Mudadii ay xirnaayeen wadooyinka magaalada ku yaalo qaarkood ayaad waxaa walaacxoogankamuujiyay dadka ku dhaqan magaalada Muqdishoqarkood,kuwasoo awoodi kari waayay helitaanka gaadiidka ka shaqeeya wadooyinkii ku xirmay dagaaladii dhwaan kadhacay magaalada, iyadoo dadku ay aad u soo dhaweeyeen dib u furida wadooyinka qaar eemaal-mihii tagay aan gaadiidka ka shaqeynin.

Shalay ayay aheyd markii gudi ka tirsan cidiamada iyo maamulkadowladu ay dib u fureen wadada jidka warshadaha eemagaalada Muqdisho, taasoo iyana ku xiranray dagaaladii ka dhacay Muqdisho, waxaana wadooyinka ay dagaaladu waxyeeleeyeen lagu arkayaa waxyeeloka soo gaartay dagaaladi dhawaan Muqdisho ka dhacay.

Talaabadani ayaa kaalin muuqata kaciyaareysa dib u soo celinta bilicda iyo haybadii Muqdisho, iyadoo mudadii ay xirnaayeen wadooyinkalaga dareemayayMuqdisho saameynta ay dagaaladu ku reebeen magaalada.

Back to Category