(SomaliNet) Xalay saqdii dhexe waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weerar madaafiic oo xoogan, kuwaasoo oo lagu garacayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa yimid kadib markii ay rasaas goos goos ah ay isweydaarsadeen ciidamada Ethiopian-ka ah iyo kooxaha ka soo horjeeda ciidamada shisheeye ee Somalia jooga, iyadoo dhowr saacadood ay laga maqlayay dhawaaqa rasaasta, taasoo dhalisay in dad fara badan ay isaga qaxan guryahooda.
Iska hor-imaadkaan ayaa yimid labo maalin kadib markii ay hogaamiyayasha dhaqanka ee beelaha Hawiye ay ku dhawaaqeen inay heshiis xabad joojin ah ay la gaareen saraakiisha ciidmada Ethiopia.
Shalay ayay aheyd kolkii ay gudi ka socda labada dhinac ee uu dagaalku ku dhexmaray magaalada Muqdisho ay soo kormeereengoobihii dagaalka ka dhacay, iyadoo kormeerkaasi uu qeyb ka ahaa heshiiska ay labada dhinac wada gaareen, laakiin dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujinaya in dagaalku uu soo laabankaro inta ay is hor fadhiyaan ciidamada labada dhinac ka socda.
Dhanka kale maanta ayaa lagu wadaa in kulan kale uu dhexmaro hogaamiyayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye iyo saraakiisha ciidamada Ethiopia, kaasoo la filayo in lagu dhameytiro heshiiskii qabyada ahaa ee ay hore u wada gareen labada dhinac.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!