site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Xaafada Kaluunka dadkeedii meeye

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: Xaafada Kaluunka dadkeedii meeye
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Liban Guray

Saturday, December 16, 2000 - 12:48 pm
To: Xaafada Kaluunka

Walalayaal anigoo ah Liban M Omar Kuna magac dheer Liban Guray baan waxaan jeclaan lahaa in aan meeshan hadii ay suura gal tahay in aan ku wada xiriirno Xaafada Kaluunka dhalinyaradii, odoyaashii,Haweenkii, dhamaan waxaan jeclaan lahaa in aan ku wada xiriirno halkan

Dadkii waa kala fogaadeen waa lakal qaxay war laysuma hayo wax dhintay iyo wax nool bal aanu aragno hadii aan isku heli karo mar kale halkan

Waa mahadsan tihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cade

Monday, December 18, 2000 - 02:23 am
Salaamu calaykum


Sxb Kaluunka makii Muqdisho ku yaal baa ? Fagax gadaasheeda? Hadii uu yahay kaluunka kaas dee waa nakan saaxiib.

Liibaan gureey....magacaas iguma cusba. sxb soo sheeg meesha aad ka degenayd Kaluunka & dhalinyarada aad is taqaanaan.


Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Liban Gurey

Wednesday, December 20, 2000 - 05:45 pm
To Cade

Walaal xaafada kaluunka ee aan heybinaayey waa mida ah xeradii ku taalay Airport agtiisa kuna dhaweyd xeradii bangariya iyo Somali Airlines

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, December 21, 2000 - 06:01 am
Waan ku salaamey Liibaan "Gurey"
Waxaan u maleeynaa inaan ku aqaan hadaad tahay
Liibaan Gureygii daganaa Guryaha Ruushka Qeebta
danbe eey Walaalaha ahaayeen C/Nasir eyna isku
leeynka daganaayeen Koo dheer oo la dhihi jirey
Daahir ayaan u maleeynaa waan hilmaamey magaciisa
mar hore ayaa iigu danbeeysey kaluunka 1988kii.

Waxaan ka aqaan jirey dhalinyaradaan oon Banooni
isla dheeli jirney:
Saciid Dijangow
Ahmed Xaaji Kaaraan
Faysal Shire Suudi
Maxamed Yare
Raage Gaabow
C/salaan
Mustaf Xassan Gaamuur
C/Nassir (Walaalkaa)
Kaareeye
Ismaaciil & walaalkiis waan hilmamey kii dhibka
badnaa.
Liibaan assad
iyo koo talyaaniga mar aadi jirey oo Liiban Asad iyo ka soo hor jedey oo hal gabar eey la dhalatey.
Adiga intee ku nooshahay hadeer Liibaan familly-ga
iiga waran ilaaheey ma idin soo mootiyey dhibkii weeynaa ee ka dhacey dalkeena.

War maxaa ka haaysaa dhalintaas iyo qaar kaloon koleey halmaamey hadad xasuusato yaase wax ku gaarey xarbigii yaase ka badbadaayey.

Waa Wiil ex-Kaluun Airportka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Liban Gurey

Thursday, December 21, 2000 - 08:34 am
To: Lama yaqaan

Walaal ugu horeyntii waan ku salaamay aad iyo aad baana ugu faraxsanahay in aan maanta helo dadkeenii is yaaqaanay balse adigu horta magacaa waxaad tahay qof aan isnaqaan kolay saxiib ahaan jirnaye bal isu key sheeg walaal.

Waxaad wax iga weydiisay dhalinyaradii iyo asxaabtii ku noolayd Somalia walaal sida aad la socoto dhibaato badan baa dhacday dadkii wuu kala qaxay iyaagoo is jecel, dadkii runtii intabadan ilaah wuu badbaadey dadkii inta aan anigu kala socdo.

Anigu waxaan deganahay wadanka Sweden Magaalada Katrineholm kuna Dhow Caasimada Stockholm in ku dhow ilaa 9 sano iyo bar dhamaan familkuna wey nabad qabaan meela kala duwan waa lagu kala nool yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, December 21, 2000 - 11:17 am
Ok si fiican ayaad iigu soo jawaabtey laakiin
maadan iiga soo waramin dhamaan dhalinyaradii
meelaheey ku kala danbeeyeen.

>/Salaan waxaan ku ogaa inuu Germany joogey
>Saciid Dijango waxaan ku ogaa inuu Markab raacey
>Mustaf waxaan ku ogaa USA verginia
>M/yarre Waxaan ku ogahay inuu joogo LA
>Faysal waxaan ku maqley Canada

laakiin inta kale war kama haayo.
Aniga waxaan ku noolahay Dalka Columbus,Ohio,USA.
Waxaan daganaan jirey Kaluunka 83-88
kadibna waxaan u guurey Huruwaa

Waxaan ku noolaan jirey Xaafada danbe oon tiina aheeyn waxaan deris aheeyn C/salaan iyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Liban Gurey

Thursday, December 21, 2000 - 12:45 pm
To: ila hada lama yaqaan

Walaal waan gartay inaad ku noolan jirtay Kaluunka dadkiina aad kala taqaanid balse anigu kumaa aan garan ruuxa aad tahay welina si fiican ma'ad isu key sheegin balse waan ku faraxsanahay in aan la xiriiro qof dadkii kala yaqaan.

Sida aad u sheegatay Mustaf,M-yare US bey ku nool yihiin

Faysal&Ayaan walaashii, yoonis, Canada

C/salaan waxaa iigu denbaysay Sweden Stockholm
reerkisuna waxay joogaan US

Max'ed barwaani magaranyo hadii aad taqaan wuxuu joogaa London

Sidoo kale C/nasir oo degan London anigoo mar dhaweyd ka imi halkaa.

Ahmed jini woqooyi buu shineemo ka furtay

Siciid jango Markabkii siduu u raacay war danbe kama hayo

Reer jeylaani waxey joogaan Holland stil waan wada xiriinaa raage iyo Max'ed barwaaniba.

Dahir-Bashiir waa walaalkii gadaashaa buu yimi from C/waaq waxey hada ku nool yihiin Muqdisho

Fadlana waan ku gartay meeshaad Kaluunka ka deganayd iyo weliba in aad tahay qof dadkii kala yaqaan inaad tahay balse weli isuma aad key sheegin qofka aad tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 22, 2000 - 05:52 pm
Walaal Lii iga raali ahoow intaan kaa soo daahey
waan mashquulsanaa.

Walaahi si fiican ayaad uga war haaysaa dhamaan
dhalinyaradii waagaas eey iigu danbeysey.
Markaad i tiri Ahmed X.Kaaraan Waqooyi ayuu Shinemo ka furtey cabaar ayaan qoslaayey sababtoo ah waxuu ahaa jini arag canugaas oo hada ka hor waxaan xasuustaa intuu nakaxeeyey oo yiri nakeena aan Airpotka meesha uu Baabuurka Dabdamiska fuuli jirey aan tagnee hadaba markaan wadada Dayuuradaha caga dhigtaan aan ku dhow nahay ayaa waxaa soo fadhiisatey diyaarad laga lahaa dalka Talyaaniga{Al-Italia} ood ogeeyd waxeey qeeylo laheeyd hadaba waxaa dhacdey inaan ilaa iyo 15 wiil oo ciyaal Kaluun aan aheeyn ooy calaa kuli iyo xaal eey Diyaaradii gudubtey balse waxaa qosol lahaa waxuu halkaas C/salaan ka dhigey isagoo u maleeyey ineey Diyaarada baalasheeda eey na dardareen lol@.

Ala maxeey haboonaan laheeyd hadaan arki lahaay
C/salaan,calaa kuli iyo xaal waa nala soo qabqabtey waxaa nala keenay Boliska Airportiga intaan ka aheeyn Ahmed Xaji Karan oo awelba eey Janbal ka aheeyd Filinkaan oo coowska ku dhuuntey.

Waxaan u Xasuustaas maalinkaas oo aheeyd 1985tii iyadoo eey shaley oo kale aheeyd sideey askartaas
meeshaas noogu tumeen markaas anaga waan ooyneeynaa hadana C/salaan ayaa naga sii qoslinayey ooy markaas askartii nala yaabeen.

Waxaad ii shiigtey in C/Nasir uu London joogo fadlan waxaan ku siinaa E-mailkeyga ee iigu soo rid Telefonkiisa iyo hadeey reer Jeylani E-mail leeyihiin ama xitaa C/Nasir.

Waxaan u maleeynaa inaan Mailka ku xiriiri doono hada waxii ka danbeeyo bro.

E-Mailkeyga waa: aamin@al-huda.ca


Wabilaahi Towfiiq

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.