site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ardaydii 15 May Muqdisho 1981-1985

SomaliNet Forum (Archive): Somali Communities - Beelaha Qurbaha: Somalia: Ardaydii 15 May Muqdisho 1981-1985
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Noor

Sunday, December 17, 2000 - 02:44 am
Bogaan wuxuu u qaas yahay ardaydii dugsiga sare ee 15 May, sanadaha kor ku qoran. Fadlan aan halkaan kuwada sheekaysano.

Dugsigii 15 May sidiisii ayuu u taagan yahay, waxaa ka maqan dariisha & albaabadii oo kaliya. Shubkiisii adkaa wali waa taagan yahay. Qolkii Diiko-Buuro waa sidiisii. Liisho wuxuu joogaa Xamar. Hoolkii wali waxaa lagu dheelaa kubad. Laakiin nasiibdaro barxadii ayaa waxaa lagu duugaa maydka.

Isoo waydiiya wixii kale oo aad u baahataan inaad i waydiisaan.

Noor
North America

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

c/llahi

Friday, December 22, 2000 - 01:08 am
walaalow subax kasto ayaan eegaa internetka mase jirto maanta maalin iiga farxad badan mar haddii la soo sheegay dugsiga 15mey, iyo allaha u naxariistee dika buura, aniga waxaan ka mid ahaa ardaydii 15mey, waxaana ka baxay 1982-83.saakay ayaana igu danbeysay dugsiga ee adiga ma booqasho ayaad ku timid xamar, waxaan qiyaasayaa in haddii lagu dhaho nuure aad la dhalatay saalimow(c/salan xaji bashiir).haddii ay jawaabtu sax tahay anigaa warbixin intaa ka badan ku siinayo war hala faaqido dugsiga wuxuu ahaa dugsiga dugsiyada sidaad la socotaan .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maxamuud

Sunday, January 14, 2001 - 12:59 pm
Walaal waxaan ka mid ahay ardadii ka baxday Dugsiga Sare 15 May 1984/85. Waxaan ahaa ardada galaaska 4B. Wax ardadii galaaskaas ahaa, amaba loodkaasba fadlan ha laysla xiriiro, waxaan aad u xusuusanayaa saaxiibkeey Qaajeey oo aan isku fasal aheyn, dhallinyaro ha la xiriiro.
Assalaamu Calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LIBAN

Monday, January 15, 2001 - 03:14 am
TO dhamaan ardeydii 15ka may.
Waad salaamantihiin dhamaantiinba aniga waxaan ahaa ardeydii 85/86. waxaanan wadanka iigu danbeeysay 88kii .runtii waa markii iigu horeysay ee waqti dheer aan maqlo 15 may .maxasuusto runtii
ardeydii oo dhan. laakiin waxaan jeclaanlahaa inaan wax ka ogaado .alaha u naxariisto diiko buure horey ayaan umaqley .waanan ku faraxsanahay in wali qeybo ka mid ah iskuulka uu taaganyahay sida aan halkan ka aqriyey alaha u naxariisto wixii dhintey wixii noolna ilaahay xaqa ha fahansiiyo hana ka qeybqaadaan dhismaha dalka iyo taageerida dawlada si hadii ilaahey uu yiraah mar la qabto xaflad ay kasoo qeybgalaan ardeydii oo dhan iinshaa alaah hadii ilaahey nolol nagu gaarsiiyo.INKASTOO XAMAR OO MAGAALADII AAN KU DHASHEY AHEYD MAALIN CAD KABA LA,AAN NALOOGA SAAREY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gurey

Friday, February 09, 2001 - 11:47 am
dhamaantiin waad salaaman tihiin runtii aad bay u wanaagsantahay in wax la is xasuusiyo oo dadka ay wada sheekaystaan gaar waxii hore dadkuna koley danbi ma wada galin balse ardaydii waxaan ka mid ahaa 1982-83 ee gurmadkii ugu horeeyay intii aan isku loodka ahayn waxaana ka xasuusta dhalinyaro badan waxaana dhiganayey 4B waxaana ka mid ahaa dhalin yaradaas daadir, xaashi calasaw nuur, maxamed cali, hamdi. hinda oo walaalo ahaa waxbarashadooda aay aad u fiicanayd.saciido caangeel,faadumoxaaji, iyo koley kuwa kaloo badan dhamaantiin waad salamantihiin haddiba aad aragtaan boggaan waxii dhintayna allaha u naxariisto inta joogtana nolol wanaagsan baan u rajaynayaa aan bogoaan ku wada shakaysano
asalaamu calaykum waraxmatu laah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Monday, March 26, 2001 - 11:36 pm
assalaamu calaykum,

Barasho Wacan.

dhamaan waad salaamantihiin.
madaama la soo xusuustay Dugsi Sare 15th May. aniga waxaa ka mid ahaa ardaydi dhigan jirtay 15th may sanadka (1972-1976). waxaanu ahayn ardaydi afka qalaad ama (AFKA Ingriisiga) wa lagu baro. waxaana ka mid ahaa ardaydi ka qeeb gashay Ol-ol-lahii AF Somaaliga kana qeeb qaadatay. waxaane joogay tuuladda Qurac Joome ee G.Bakool.

yaa ka dambeeya ardaydii aan isku loodka ahayn.?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.