    MUUFO-CUNE | Wednesday, February 21, 2001 - 10:17 am WAXAAN KA WAAYEY MUUFADII XAMAR AAN KA CUNI BAARKA AMEERIKAANKA, BAR CADALE, CEELBUUR, ASO. WAXAAN U BAAHANAHAY GABAR MUUFADA DUBI TAQAAN OON IS BARANO IN UK.LOL .. ..>>>>><<<>>>><<<<>>>><<<>>> ..>>>>>MUUFO TINAAR<<<<<>>>> ..>>>>> <<<>>>><<<<>>>><<<>> QALDAANKNA WAA HELAA COWSKIISA KII CAANO GEEL RABANA WAA HELAA LAAKIIN MUUFO INTII LA SOO WADO WAA KAGEYSAA.. BYE. |
    Ceelbuur | Wednesday, February 28, 2001 - 01:30 am Sx waadba iga qoslisaye maxaa meesha muufo keenay maxaad noosoo xasuusisay bahasha waxaan xasuustaa markaan baabuurka Ceelbuur kasoo dego anigoon meel kale ku leexan ee baarka muufada higsado marbaan ku taamay Allow yaa degmadaan ka imad dadkeeda baro sida bahasha loo farsameeyo, haddaba walaal Muufada aad isoo xasuusisay ayaa geeraarkaan igu qasabtay. Geeraar Bahashii carfooneyd Cagta geela la mooday Caqligiyo calooshaba Cududaha sifeyn jirtay Curdankii dhadhamiyaa Cudur iyo wuxuu qabay Cufanuhu ka suulaan Ceysh weeye bahashuye Cunto kale ha igala simin Cindiga waxaan ku haayaa Ceelbuur ku yaalliyo Carradeydi geeyoo Ceysh weeye ku iraa Calaameyse dheertahay Cirroolihii dhadhamiyaa Cayda wuu ka xoroobaa Cagtuu ciribta saaraa Catiirkuu la jebiyaa Cummarow maxaa cusub iyo Ciic buu ka keenaa Cawooyin dhowra dabadood Cunug buu is moodaa Cirradiina xiiraa oo Caweysyada ka boodaa Ceysh weeye bahashuye Cunta kale ha igala simin |
    Somali | Thursday, March 01, 2001 - 10:00 pm LoooooL Celbur qosol baa idili gaaray |
    Mu-Nace | Thursday, March 08, 2001 - 11:36 pm War bahashi Muunfoo ahayd baa halkan lagu amaanay waligey ma hilmaamo dhibaatadii ay ii geysatay markaan cunay ilaa haddana magaceeda iyo meel lagu karinayaba markaan maqlo waa aan ka cararaa!!!!!!!!!!!!!!!! |
    MUUFO-CUNE | Friday, March 09, 2001 - 06:09 am To ceel-buur saaxiib waxaan tahay nin rag ah oo muufada waxtarkeeda iyo qiimaha ay leedahay yaqaana saaxiiboow dalkii maalinba qolo baa ku falaadeysa rajaduna waa yartahay ay nabad ku keenaan oon muufo macaan, babay, moos, cambe, qasab iwm aan u cunno ninkii yaqaanaa yaqaana kii kalena waxaan leyahay geel indho kuul maxaas ka kasaa. Ilaahye muufadii iyo qudaartii fiicnayd ee xamar tiilay nabad ha noogu celsho oo dalkeena iyo dadkeena nabad hanooga dhigo. |