Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (Before Sept. 29, 2000): Guumeys shimbir ku sheegaada iyo sarar cunkaada isma lahan macallinow!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faarax

Thursday, September 14, 2000 - 02:35 am
Soomaaliya waxaa ka jiri-jiray welina ka jira dadka wax faaliya ama kutubta fiiriya. Waxaa la yiri islaan waayeel ah aa gurigeeda waxaa kusoo degtay shimbirka loo yaqaan Guumeys. Islaanta waxay maqli jirtay guriguu Guumeys ku degto balaayaa ku dheceyso ama qofaa ka dhimanaaya. Islaantii waxay u tagtay Macallin ka mid ah macalimiinta xaafada wax ka dhiga oo ay weydiisay waxay sameyn laheyd maadaama uu guumeys gurigeeda soo booqday. Macallin iska miskiinow ahaaye wuxuu dhahay "Guumeys shimbir lee ahaa, wax ma dhibaayo". Islaantii warkaas waa u cuntami waayay waxay raadisay macaalin kale waxayna u sheegtay qisadii ku dhacday iyo macallinkii hore wuxuu ku dhahay. Macallinkaan macallin xariifow ahaaye wuxuu dhahay "Acuudi Billaahi Guumeys aa ... Inaa Lillaahi wa inaa Illahi raajicuun .. Guumeys maa gurigaada kusoo degay .. Aar Xaajiyo faadumaay shar aa soo cocota Eebe ha naga najeeyee.. Xaajiyo Faadumaay hadii Eebe kuu roonyahay .. waa inaad qashaa wan buuran oo cad oo wejiga iyo lugahana ka madow .. habeenka jimcaha soo galaayana aan isu nimaadno"

Xaajiyo faadumo macallinkaa amar siiyee waxay diyaarisay hilibkii wanka, bun, cambuulo, bariis allaab allaab (ha i xasuusin yaaqey). Macallinkii dambe wuxuu ballansadey macallinkii hore. Habeenkii Jimcahey guriga xaajiyada isugu yimaadeen. Xaajiyada allaabtiyey keentay. Macallinkii hore aa kala badbatay baahal sarar ah u kala taagsaday si fiicanauu miirka uga ceshtay. Macallinkii dambaa markuu arkay macalinkii hore say isugu dhacsantahay aas waxaas yiri " HADE MACALLIMOW SARAR CUNKAADA IYO GUUMEYS SHIMBIR KU SHEGAADA ISMA LEHEE WAA SAAY!!!!"

War maa yaal hee Mcallinkii hore mar dambe malaga maqlin GUUMEYS AA SHIMBIR AH!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, September 21, 2000 - 07:25 am
That is so funny aad ayaad iiga qoslisay!!!!