Boosaaso, April 30 - Senator Mark Kirk oo ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd ka dhoofay maddaarka Bender Qaasim, kadib safar qaatay maalin oo uu ku joogay magaalada Boosaaso.
Senator Mark Kirk ayaa intii uu joogay magaalada Boosaaso waxa uu shirar kala duwan la qaatay madaxwaynaha dawladda Puntland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada. Odaygu waxa kale oo uu booqday goobaha muhiimka ah ee ku yaal magaalada Boosaaso, sida dekedda, wasaaradda maaliyadda, bankiga dhexe, maxjarka xoolaha iyo waliba xabsiga wayn ee magaalada Boosaaso.
Shirarka iyo dhaq-dhaqaaqa wafdiga ee magaalada Boosaaso ayaa labadaba waxa laga mamnuucay saxaafadda, haseyeeshee ilo ku dhow madaxtooyada oo ay Daljir la hadashay ayaa noo sheegay in booqashada oday Mark Kirk nuxurkeedu ahaa laba qodob oo muhiim ah.
Waa kan horee, in uu u dhabbo-galo xaaladda burcad-badeedda ka qowlaysata Puntland iyo sida ay dawladda Puntland uga go'antahay, guulana uga gaadhay la dagaalankeeda. Wafdiga ayaa loo sheegay in Puntland ay tahay meesha ugu badan adduunka ee ay ku xiran yihiin burcad-badeedda kuwaas oo kor u dhaafaya 300 oo maxbuus. Maxaabiistaa ayaa intooda badan waxa ay ku xiran yihiin xabsiga Boosaaso halkaa oo ka mid ahayd meelihii uu booqday Sanator Kirk.
Ahamiyad labaad ee safarka Kirk ayaa ahayd sidii uu ugu kuur-gali lahaa daganaanshaha iyo horumarka ka jira Puntland isla markaana ay Puntland uga faa'idaysan lahays siyaasadda xukuumadda madaxwayne Barack Obama ee ku aaddan Soomaaliya ee loo yaqaano siyaasadda labo-itijjaaha ah ama "Dual Track policy".
Wafdiga Senator Kirk oo Boosaaso soo gaaray saaka (Sabti) 7:30-kii subaxnimo ayaa shir-quraaceed ay ku qaateen aqalka madaxtooyada, goob-joogna ay ka ahaayeen madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada waxa si diirran loogu soo dhaweeyay Puntland, waxana halkaas loogu sharxay taariikhda Puntland, sababihii keenay asaaskeeda 1998-kii iyo waliba isbaddaladii dimuqraadiyadeed ee ay dhinaca maamulka ka soo martay tan iyo wixii ka dambeeyay muddadaas. Madaxwayne Faroole ayaa u sheegay wafdiga Senator Kirk in ay Puntland horumar la taaban karo ka gaartay barnaamijkeeda dimuqraadiyadaynta, waxana uu hoosta ka xariiqay in ay Puntland ka go'antahay, culayskasta oo jira, in ay hirgaliso nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinka casriga ah.
Senator Kirk ayaa isna dhiniciisa sheegay sida uu ula dhacsanyahay horumarka iyo ammaanka ka jira Puntland, waxana uu qiray in Puntland tahay mandiqad istaahisha in gacan laga siiyo arimaha horumarinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Waxa uu sidoo kale ammaanay habka uu u shaqeeyo maamulka madaniga ah ee dhinacyada maaliyadda, canshuuraha iyo xisaabaaka.
Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay, inkasta oo aan wax isbaddal ah laga dareemin hannaan-socoka nolol-maal-meedka caadiga ah, iyada oo uu wafdiga Kirk si habsami leh uga kala-dhex-gooshayay daafaha magaalada intii uu ku guda-jiray indha-indhaynta xarumaha maamulka dawladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.
Waxa xusid mudan in Senator Mark Kirk uu yahay mas'uul la doorto oo Maraykan ah kii labaad ee ugu darajada sareeyay ee abid booqda Soomaaliya, marka laga soo tago booqashadii madaxwayne Goerge Bush-kii aabaha ahaa uu ku tagay magaalada Baydhabo sannadkii 1993-kii.
Sanator Mark Kirk waa oday ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, waxana uu soo galay aqalka odayaasha Maraykanka bishii November ee sannadkii tagay ee 2010-kii. Waxa laga soo doortaa magaalada Chicago, ee gobolka Illinois, kursiga uu hadda fadhiyana waxa horay u lahaan jiray madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama. Waxa uu ka tirsan yahay guddiga dhaqaalaha ee aqalka odayaasha, waxana uu sidoo kale xubin ka yahay gole-hoosaadyada maaliyadda iyo ammaanka aqalka odayaasha Maraykanka. Ka hor, laga soo bilaabo sannadkii 2001-dii, waxa uu ahaa mudane ka tirsan aqalka wakiillada.
Galabta 4:30 xilliga Afrikada bari ayuu Senator Mark Kirk iyo wafdigiisii oo ka koobnaa lix xubnood waxa ay dib ugu noqdeen magaalada Jabuuti, halkaas oo ay markii horeba kaga soo arooreen magaalada Boosaaso.
Diiwaanka Wararka,
Daljir
---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Boosaaso: Senator Kirk oo booqanaya Puntland; shir haatan ka socda xarunta madaxtooyada.
Boosaaso, April 30 - Waxa maanta magaalada Boosaaso soo gaaray wafdi heer saro ah oo ka socda dalka Maraykanka.
Wafdigan ayaa waxa hogaaminaya Senator Mark Kirk, waxana ay haatan shir albaabadu u xiran yahay ay la leeyihiin madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.
Wafdigan ayaa tobaadkii la soo dhaafay waxa uu booqanayay waddamo ku yaal gobolka Bariga Dhexe.
Sanator Kirk oo laga soo doorto gobolka caanka ah ee Illinois waxa uu ka tirsan yahay guddiga dhaqaalaha ee Senate-ka Maraykanka.
Wixii faahfaahin ah ee ka soo baxa shirka haatan ka socda madaxtooyada Puntland ee
Boosaaso dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa.
Diiwaanka Wararka,
Daljir,


