Muran Ka Aloosmay Raashin Caawimo Ah Oo Gaadhay Laascaanood.
“Buuqu wuxuu ka dhashay oo aanu la kulanay xilligan kala guurka ah, maamulkii gobolkuna waa uu kala maqnaa. Afar jeer oo hore ayaanu raashinka qaybinay wax dhib ah oo ka jirayna ma jirin”
Laascaanood(Ramaas) July 22, 2010 – Raashin caawimo ah oo loogu tala-galay kun qoys dad ka badan oo ku nool gobolka Sool ayaa gaadhay magaalada Laascaanood.
Wararka magaaladda Laascaanood naga soo gaadhay ayaa waxaa ay sheegayaan in Raashinkan oo ay ku deeqday hay’ada WFP, Saddex baabuur oo sidday ay gaadheen magaaladaasi doraad. Islamarkaana, waxaa qaybintiisa isku maandhaafey urur waddani ah oo masuul ka ah iyo sarkaal maamulka Gobolku hawshan u xilsaaray. “Buuqu wuxuu ka dhashay oo aanu la kulanay xiligan kala guurka ah, maamulkii gobolkuna waa uu kala maqna. Afar jeer oo hore ayaanu raashinka qaybinay wax dhib ah oo ka jirayna ma jirin, laakiin nin maamulka gobolku keenay oo dajiye ku qoraa ayaa maanta muranka keenay oo na qabsadday” Sidaa waxaa tidhi Xaliimo Cabdi Badhaadhe oo madax ka ah ururka WFP u sii maraysay raashinka dadka saboolka ah ee ku nool deegaanaddaasi. Waxaana ay intaa ku dartay Xaliimo in dadka loogu tala-galay raashinkani ay haystaan kaadhadh. Ayna u garan waayeen hawsha ninkan hore ulla shaqeyn jiray ee maamulku ku daray oo magaciisa lagu sheegay Axmed Beerdoon. “Horeba waanu ugu wargelinay maayarka iyo maamulka, markan imika uu na qabsadday ee aanu maamulkii isula tagnayna, waxay u sexeen oo ku raaceen maamulku qabsashaddii. Aakhirkii waa la rogay raashinkii, goobaha qaar wixii la dhigayna waanu bixinay wixii kalana aroorta (Saaka) ayaa loo balansanyahay,” Ayay tidhi Xaliimo waxaana ay intaa ku dartay in loo hanjabay oo sarkaalkan la shaqeynayay toos u weeraray iyaga oo horfadhiya maamulka. “Runta markaan idiin sheego, wixii markaanu maamulkii isula tagnay noomay muujin dareen wanaagsan oo ay nagu difaacayaan. Markaa wixii ikhtiyaar umma aanaan yeelan anaga iyo shaqaalihii qaybinayay toona…” Sidaas ayay tidhi, waxaana ay intaa raacisay Xaliimo Cabdi oo ka jawaabaysay su’aal aanu ka sii weydiinay waxaa hawshaasi ku dhamatay oo ay tidhi. “Waxaa lagu dhameeyay, wixii ay meelahaa noo dhigeen ayuunbaanu qaybinaynay oo iyaga ayaa nagu maamulayay manta (Shalay).”
Dhinaca kale maamulka Gobolka Sool iyo sarkaalkan muranku dhexmaray madaxda daladda Toosa oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu wax uga weydiino arrintan ayaanay noo suurta-gelin in aanu hello.
Mana aha markii ugu horeysay ee muran arrintan ku dhexmaro ururadda wadaniga ah iyo maamulka.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.
Muran Ka Aloosmay Raashin Caawimo Ah Oo Gaadhay Laascaanood
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 309 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 437 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 221 Views
-
Last post by Miles8
-
- 21 Replies
- 1081 Views
-
Last post by Mystic_Angel
-
- 2 Replies
- 431 Views
-
Last post by damu
-
- 2 Replies
- 822 Views
-
Last post by libaaxyare
-
- 0 Replies
- 220 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 20 Replies
- 2290 Views
-
Last post by WadaniggaBarakaysan
-
- 0 Replies
- 315 Views
-
Last post by ina aadan
