Caynaba (Buraoonline.com) 02.10.10 Dablay hubaysan oo dhawaan ka Afduubeen Degmadda oog nin shacab ah ayaa habeenkii xalay ahaa soo daayay ka dib markii badhasaaabka gobolka saraar ibraahim xasan maalin ka hor uu wada hadal kula galay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka lagu haysto ninka inay ninkaasi shacabka ah soo daayaan
Guddoomiyaha gobolka saraar oo dhawaanahaba arrimahaasi ku hawlanaa ayaa maalintii shalat ku guulasytay soo daynta waxaanna siddoo kalenna soo daynta iyo xalinta arrintani gacan wayn ka gaystay odayaasha beesha ay kasoo jeedda dhalinyaradda wax qafaashay .
waxaanna xalay magaaladda caynaba la keenay nin shacab ah kaasi oo ay dhawaan qafaasheen kaasi oo ay galbinayeen ciidanka qaranka oo kasoo kaxeeyay tuuladda qorilugud .
siddoo kalenna waxaa waxba kama jiraan kusoo ururay warar dhawaanaha saxaafaddu daabacday kuwaasi oo sheegayay inay dadka la afduubay ahaayeen labadda ruux .
ugu dambayntii waxaa arrintani kusoo dhamaatay is afgarad waxaanna lafilayaa in badhasaabka gobolka saraar uu goordhaw ka hadlo waxyaabaha salka u ahaa soo daynta ninkan shacabka ah ee ay ku guulaysteen.
saleban sahal jamac
The Governor of Saraar has Freed 2 men Captured By SSC
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
- Mr_Alfaas
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3439
- Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
- Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland
Re: The Governor of Saraar has Freed 2 men Captured By SSC
Guddoomiyaha gobolka saraar welldone oday

- Bohol iyo karaman
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1060
- Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
- Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Re: The Governor of Saraar has Freed 2 men Captured By SSC
Sadex nin bay kaa xaysteen markii hore waxay jidka kagaa tageen nin dhaawac ah oo uu soconwaayeey (ninkii dhawacaa ahaa oo sacad Yoonis oo ah markii hore shiciib baa qorilugud lagaa soo kexeeyeey, hadaa waxa cusbitaalka burco lagu daawaynaayaa labo dhaawac ah)
Weli lamaa soo dayn labadii askarii ee kale oo gacantaa somaliland lama soo gelin laakiinse waa lagu hawlanyahay
Weli lamaa soo dayn labadii askarii ee kale oo gacantaa somaliland lama soo gelin laakiinse waa lagu hawlanyahay
- kaliil
- SomaliNet Super

- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: The Governor of Saraar has Freed 2 men Captured By SSC
raggii maxaabiista ahayd ilaa hadda waa la haystaa Dawladuna kama hadal waxbana kama qaban arrintan.
Re: The Governor of Saraar has Freed 2 men Captured By SSC
what a load of bullocks! alle dadkani been badan.The Governor of Saraar has Freed 2 men Captured By SSC
there was three people kidnapped. one was released straight away after they realised his was just an ordinary citizens.
they also released one soldier on humanitarian grounds when he sustained an injury after they car they were driving crashed.
the one remaining soldier is buuhoodle. soo how this so called governor from this so called saraar in the so called 'somaliland' got them released is beyond me. but then again looking at his title, region and supposed country you can see make stuff up is not a problem for this guy(s)
p.s and the remaining soldier was released last night and he was talking to qorilugud.
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super

- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: The Governor of Saraar has Freed 2 men Captured By SSC
The men are realesed... check here as well..
Faarax Maxamed Cabdi oo ahaa ninkii laga afduubay magaalada Oog todobaadkii hore, ayaa xalay niskii dambe soo gaadhay degmada Qorilugud, ka dib markii wada-hadallo xidhiidh ah lala galay kooxda isku magacowday SSC ee afduubka u haysatay.
Maayarka degmada Qorilugud Maxamed Cumar Faarax oo xalay abbaaro 2dii habeenimo uu Wargeyska Ogaal khadka telefonka kula xidhiidhay, ayaa xaqiijiyay sii daynta ninkaasi. Isla markaana wuxuu xusay inay ka hawl-galeen soo-dayntiisa shirkadaha qaadka ka ganacsada iyo bulshada reer Buuhoodle. “Odayaal, wax-garad iyo bulshada reer Buuhoodle oo aad uga xumaaday sidii guud ahaanba falkaasi u dhacay iyo annaga oo kaashanayna xukuumadda Somaliland ayaannu ka hawl-galnay,” sidaa waxa yidhi maayarka degmada Qorilugud. Waxaanu intaa raaciyay in hawl-galkaasi si fiican u dhacay, sidoo kalena xaaladda ninkaasi ay wanaagsan tahay.
Faarax Maxamed Cabdi oo ah ninka afduubka loo haystay oo isagana aanu wax ka weydiinay sidii afduubkiisu u dhacay waxa uu yidhi, “Adeer istabta waxaan u tagay inaan gaadhi ka raaco. Dabadeedna roob ayaa na qabsaday. Intii aanu roobka ka jirsanaynay oo aanu yara jiifsanay ayuunbaa waxani nagu habsadeen.” Sidoo kale Cabdirashiid oo ka tirsan dhinaca deegaanka Buuhoodle isla markaana ka mid ah dadkii ka hawl-galay soo-daynta ninkaas oo aanu weydiinay sida ay ugu suurtogashay hawshaasi ayaa yidhi, “Adigu dhirraan-dhirin iyo si xigaalnimo ahba waannu ku doonay. Si kasta iyo xal siyaasadeedba waanu u adeegsannay.”
Ugu dambayntii maayarka degmada Qorilugud oo ka tirsan gobolka Buuhoodle ayaa Illaahay ka baryay in bulshada deegaanka Buuhoodle ay fahmaan gogoshii nabadeed ee loo fidiyay isla markaana ay dhib kasta oo soo gaadhaa ay tahay mid iyaga taabanaysa, sidaa aawadeedna ay lagama maarmaan tahay inay qaataan xal nabadeed oo umaddu kuwada noolaato.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 442 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 5 Replies
- 429 Views
-
Last post by wadaniweyn1
-
- 13 Replies
- 1468 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 7 Replies
- 1635 Views
-
Last post by TarTar
-
- 0 Replies
- 740 Views
-
Last post by TarTar
-
- 0 Replies
- 757 Views
-
Last post by TarTar
-
- 4 Replies
- 1119 Views
-
Last post by noer
-
- 0 Replies
- 951 Views
-
Last post by TarTar
-
- 10 Replies
- 1181 Views
-
Last post by Reer Burao
-
- 2 Replies
- 646 Views
-
Last post by AsadSL