Page 3 of 3

Re: Somali folk tales

Posted: Mon Nov 05, 2012 6:54 am
by Barwaaqoiyobashbash
Libaax iyo Dhurwaayo


Waa aan dhaweyn dheerayna oo abaar yaab lihi dhacday,ayaa waxaa isu yimid sagaal dhurwaa oo heshiis ahaan jirey. Sagaalkoodu waxay ka wada hadleen siday abaarta uga bixi lahaayeen,oo naftoodu ku ammaan geli lahayd.Waxay wax isla eegeegaamba talo waxay uga ururtay inay dadka xoolihiisa u bareeraan, si xilligaa xumi uusan u wiiqin.
Dhurwaayadii waa ay soo duuleen,oo xoolo raadcadood galeen.Iyagoo meel maraya ayuu libaax keligiis ah ka hor yimid,oo isna yaabban.Markaasu ku yiri."dhuwaayoow aan idin raaco oo jaallihiin noqdo". Goortaasay ugu jawaabeen, "haddaad na raacdo hadhoow heshiin meyneee naga tag" Suuye, "Maxaab u heshiin weyney jaallayaal?

"Libaax waad cir weyn tahay,oo waad na boobi doontaa:, iyagii baa ugu warceliyey. Markaasu dhaar ku yiri; "Wiil iyo walaal ku waaye inaanan idin boobeyn,waxaad ku talisaan baana yeelayaa" Goortaasay"hawraarsan" yiraahdeen,oo dabadeedna kobtii iska raaceen.Waxay tobankoodi wada socdaamba,geek caweysinkii miranayay sagaal halaad iyo awr
qurbac ah baalka ku dhufteen,oo talakhlaoomman ka tuureen.Goortay carroycarro la marayaan bay gaajadii haysey "aan iska reebno" isku waraysteen. Libaaxii ba ku yiri;"anigu keligey baan ahaye idinkaa iga badane qaybta inooku dhaqsada", Inta ka diideen bay waxay ku yiraahdeen,iyagoo ku xurmaynaya, "Aniga boqoeka bahallada ahe xoolaha inoo qaybi." Suuye; "Haddee ma ku go' daan sidaan wax yeelo?" Jawaabtoodii "haah"bay ahayd.

Goortaasuuye; :"Idinku sagaal baa tihiin awrka qurbaca ah baana idinku toban ah,anna sagaalka hallad baan toban ku ahay"

Dhurwaayadii iyagoo caro darla' ay ka siriqsan tahay ayuu midkood goortaas yiri; "Jaallayaal qaybtii sidaas ha ku dhamaato,aamin bahalna intaas ha ku dhamaado.

Re: Somali folk tales

Posted: Mon Nov 05, 2012 6:57 am
by Barwaaqoiyobashbash
Qorina qiiqiisuu uraa qofna qawlkiisuu hadlaa.

Re: Somali folk tales

Posted: Mon Nov 05, 2012 7:11 am
by Barwaaqoiyobashbash
Barwaaqoiyobashbash wrote: Libaax iyo Dhurwaayo


Waa aan dhaweyn dheerayna oo abaar yaab lihi dhacday,ayaa waxaa isu yimid sagaal dhurwaa oo heshiis ahaan jirey. Sagaalkoodu waxay ka wada hadleen siday abaarta uga bixi lahaayeen,oo naftoodu ku ammaan geli lahayd.Waxay wax isla eegeegaamba talo waxay uga ururtay inay dadka xoolihiisa u bareeraan, si xilligaa xumi uusan u wiiqin.
Dhurwaayadii waa ay soo duuleen,oo xoolo raadcadood galeen.Iyagoo meel maraya ayuu libaax keligiis ah ka hor yimid,oo isna yaabban.Markaasu ku yiri."dhuwaayoow aan idin raaco oo jaallihiin noqdo". Goortaasay ugu jawaabeen, "haddaad na raacdo hadhoow heshiin meyneee naga tag" Suuye, "Maxaab u heshiin weyney jaallayaal?

"Libaax waad cir weyn tahay,oo waad na boobi doontaa:, iyagii baa ugu warceliyey. Markaasu dhaar ku yiri; "Wiil iyo walaal ku waaye inaanan idin boobeyn,waxaad ku talisaan baana yeelayaa" Goortaasay"hawraarsan" yiraahdeen,oo dabadeedna kobtii iska raaceen.Waxay tobankoodi wada socdaamba,geek caweysinkii miranayay sagaal halaad iyo awr
qurbac ah baalka ku dhufteen,oo talakhlaoomman ka tuureen.Goortay carroycarro la marayaan bay gaajadii haysey "aan iska reebno" isku waraysteen. Libaaxii ba ku yiri;"anigu keligey baan ahaye idinkaa iga badane qaybta inooku dhaqsada", Inta ka diideen bay waxay ku yiraahdeen,iyagoo ku xurmaynaya, "Aniga boqoeka bahallada ahe xoolaha inoo qaybi." Suuye; "Haddee ma ku go' daan sidaan wax yeelo?" Jawaabtoodii "haah"bay ahayd.

Goortaasuuye; :"Idinku sagaal baa tihiin awrka qurbaca ah baana idinku toban ah,anna sagaalka hallad baan toban ku ahay"

Dhurwaayadii iyagoo caro darla' ay ka siriqsan tahay ayuu midkood goortaas yiri; "Jaallayaal qaybtii sidaas ha ku dhamaato,aamin bahalna intaas ha ku dhamaado.

Definition:
Soo duuleen: soo col-keceen.
Rimmay: neef dhalaya oo aan soo sed dhaweyn.
Qurbac: rati habarti ku irmaan.
Talakhla-oomman: meel cidla ah oo fog.

Re: Somali folk tales

Posted: Tue Nov 06, 2012 8:19 am
by Alshabaibe
Barwaaqo, Mandeeq thanks :up:

Re: Somali folk tales

Posted: Tue Nov 06, 2012 8:37 am
by Coldoon
Loved Somali folk tales.

Re: Somali folk tales

Posted: Tue Nov 06, 2012 11:17 am
by Gantaal05
my father used to tell me about this Yemeni poor man who had a donkey and hes neighbour was a king who was incredibly rich and very ill (no cure)
and the poor guy with the donkey used to go round the city whole day with he's donkey and carry woods and sell them. He's wife found out about her the king who was their neighbour was ill and he was on he's dying bed. She told her husband about the Kings illness and she gave him her only piece of jewlerry to her husband sell it in the market's town and buy a sword. The donkey man's wife decided to go the rich kings palace , and told him she has he's cure but only in one condition will she treat him (her donkey man husband to become king, and the king to become the donkey man) so she cuts/amputates he's leg and vióla the king heals and becomes the donkey man

:lol: :lol:
and also many other stories some of them biblical/quranic too
i always prefered my fathers stories :)
hooyo used to tell me about dhag dheere and another spooky things i didt like :|