Dhabayaco waxan calaacal ka badan LOL

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
KUN-DILE
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 894
Joined: Wed Sep 25, 2002 7:00 pm

Dhabayaco waxan calaacal ka badan LOL

Post by KUN-DILE »

Saraakiil ka soo jeeda Puntland oo shaaciyey in qabsashada Somaliland ee gobolka Sool ay aheyd qorsh
Madaxweynaha maamul gobolkeedka Puntland Jen. Cadde Muuse in ay horay u ogaayeen qabsashada Somaliland ee gobolka Sool, ayna ku wargelisay dowladda Itoobiya oo dooneysa in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale.

“Laascaanood waa la bixiyey, Itoobiyaanku waa og yihiin
Cadde waa saxiixay, waxay Itoobiya rabataa in Somaliland ka go’do Soomaaliya inteeda kale, Cabdulaahi Yusuf waa og yahay, dawladada Ingirisku waa ogtahay, heshiisyadii la galay waxaa ka mid ahaa
dhiibidii Ingiriiska loo dhiibay Mustafe Jaamac, todobaadka soo socda ciidamadda Somaliland waxay isku fidindoonaa gobolka Sanaag, dawladda Itoobiya waxay Cabdulaahi iyo Cadde ku qancisay yarkii Mareexaan ee Ingiriiska loo dhibay oo la yiri gabar Ingiriis ah ayuu ku dilay London, ciidamadda Puntland ee loo yiqiinay Daraawiishta ayaa saraakiishooda sare sare waxa si cad loogu sheegay inaanay weerari karin Laascaanood, waxaana loo sheegay in la daaliyo shacabka Puntland si aan loo dareemin qorshaha dawladada Itoobiya.

Ma jiro qaban qaabo dagaal oo Puntland ay ku doonayso inay dib ugu soo ceshato Laascaanood, waxaana kuu sheegayaa adeer in dhibkii aan Xamar la dooneynay aanu helnay jisadiisii oo deegaanadeenii aan dharaar cad wareejinay, oo ku wareejinay reer Waqooyi Soomaalidiid ah, C/llaahi & Cadde-na waxaan leenahay taariikhdiina & mustaqbalka ubadkiina uu tura ee ka soo hara Itoobiya, haddii Jaceylka Itoobiya uu idin gaarsiiyey in aad dhulkeenii ku wareejisaan wax danboo aanu idinka sugnaa waa wax aan jirin, idinku bil sii dhaceysaad tihiine ummadda ha haligine, Soomaali meel kasta oo ay joogtaba ma ogolaan doonto gumeysi Itoobiya ee idinka aakhiradiina u tura” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha la soo xiriiray xarunta website-ku ku leeyahay Boosaaso , waxaana saraakiishaasi ay sheegeen in dadka gobolada Puntland ay ogaadaan in maamulka Cadde aanu ka garaabi doonin qabshashada Somaliland, ayna shacabku kula taalinayaan sidii ay arrintaa uga tashan lahaayeen.

< Prev Next >


http://puntlander.com/index.php?option= ... &Itemid=38
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”