
29/11.2007
Ciidamada Itoobiya oo maanta Jab xoogan soo gaaray Xerada Maslax oo Baroor diiqaya
Muqdisho
Ciidamada Itobiyaanka ku soo duulay Soomaaliya xasuuqana ka wada ayaa maalmahan ku halaagsamay dagaalka ay la galeen xaq u dirirka Soomaaliyed kuwaas oo har iyo habeen u taagan sidii duluga gumeystaha leysaga saari lahaa loona soo celin lahaa sharaftii Soomaalinimo oo xiligaan mugdiga ku jirta.
Warka ah Baroordiiqa ka socota xerada Maslax ayaa waxaa noo sheegay nin Soomaali ah uu u turjumaan u ahaa isagoona sheegay in uu arkaayey meydad kor u dhaafaayo 12 oo ka tirsan ciidamad Itoobiya iyo dhawaac aad u tirabadan oo qarkood laga yaabo in ay u Geeriyoodaan dhawacooda
Xeerada maslax oo Itoobiyaanka ay ku Booyaayeen maanta ayaa Ah aa abeet !! abeet!weynee weynee mindiNoo ehe shigir lamin mathaa indhasii agar weynee weynee oo Macnaheydu yahay Ba,ayey Ba,ayey Ilaahayoow ilahayoow Waamaxay dhibatadaan maxaan u nimaanay wadankaan Ilaahoow ilaahoow iyo eraya kale oo ka calaacal badan
Qeyla dhaanka Ciidamada Itoobiya ayaa ah mid laga sugaayey mar hadii ay ku soo gardaroodeen dal xur ah oo aan waxba u geysan waxaana looga fadhiyaa hadanan deg deg u bixin in ay heli doonaan jab ka daran kan hada soo gaaray waxaana horey loo yiri geerida waxey dhibeysa nin ka dhoof ku yimid
Saraakiisha hogaaminaayey dagaalka ee Itoobiyaanka ah ayaa ku fashilmay markii ay dhowr jeer iclaamiyeen dagaakii in ay ku guleysteen hadana arintu noqotay Fanoole Fari kama qodna
http://www.dayniile.com/Nofenbar/29nofenbar2.htm