--------------------------------------------------------------------------------
Maqaal:- Nololeey ma-waartooy, nuuxiya. Nebi baa naf-waayee, nuuxiya. Waa Nuur Aqoontuye, nuuxiya. Naxariista Eebbe, nuuxiya Erayadan, waxay ka mid ahaayeen, hees dhiirri-gelineysay Aqoonta iyo in wax la barto; nolosha adduun iyo xitaa cibaadeysigana loo kaashado Aqoon. In si xowli ah loo abbaaro waddada waxbarashada, Cilmi iyo Aqoonna loo cuskado tallaabooyinka loo qaadayo dhinacyada Diinta, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Arrimaha bulshada, Nabadgalyada iyo dhammaan dhinacyada kale ee nolosha aadamiga.
Beri-samaadyadii ayaan Heesta ka maqli jiray 'Radio Mogadisho'; waxaana ku luuqeyn jiray Kooxdii Iftin ee Wasaaraddii Waxbarashada iyo Barbaarinta iyo Ubaxii Kacaanka( Sidaan filayo). Duco iyo Ammaan ayuu mudan yahay Hal-curiyihii ay Maskaxdiisu ka soo maaxdeen Erayadan dhiirri-gelinaya Aqoonta.
Hees-ahaan un baan beryahaas u xiiseyn jiray, oo Miyuusiggeeda la-yaabka leh iyo Ridmadeeda wacan, ayaan ka heli jiray. Laakin si fiican uma aan dhuuxi jirin miraha Heesta, Ujeeddadeeda iyo Murtida ay xambaarsan tahay toonna.
Muddo aan hadda sidaas u fogeyn, habeenno aanan waqti badanba laga joogin, oo aan keligey seexanayay Qol, fekerayay, oo ay maan-rog-rogiddu igu badneyd,ayaan dib u soo xusuustay Heestaas, aniga oo ku joogsaday nuxurkeeda dhiirri-gelinaya Aqoonta iyo Waxbarashada.
Fekerkii ayaa ila sii dheeraaday, saqdii dhexe ayuu ila sii dhaafay, waxayna Maskaxdeydu gashay: is-barbar-dhigid dad kala geddisan oo aan garanayo ,oo ku kala heer sarreeya xagga Aqoonta iyo Khibradaha ay kasbadeen.
Waxaan ka eegay oo keliya dhinacyada:-Dad la-dhaqanka, Dabeecadda, Akhlaaqda, Mukhlisnimada, Toosnaanta, Mutawaadicnimada, Sarriigta, Ixtiraamka, Naxariista iyo dhinacyo kale oo dadkaas ku xiraya Aadamiga ay la nool-yihiin iyo xitaa Xayawaannada kale ee ay ka midka yihiin kuwa la dhaqan Aadamiga, sida Bisadaha iyo Xoolaha la manaafacaadsado,sida: Ariga.
Aniga oo qolkeygii gaarka ii ahaa isaga qufulan, ayay haddana Maskaxdeydu daafaha dunida ku soo wareegtay, Xilliyo la soo dhaafayna dib ugu noqotay.70-meeyadii, 80-meeyadii, 90-meeyadii ilaa maantadan hadda la joogo ayay soo socotay, oo marba meel ku soo hakaneysay, lana soo joogeysay Saaxiibbo , Xidid iyo Ehel.
Waxaa i soo hor-yimid dad beri hore dhintay oo aakhiro ku maqan, Kuwo Yurub iyo Maraykan lagu sheegay, Qaar Soomaaliya gudaheeda ku sugan, Kuwa Carabaha ila qoomaara(fadhiya) iyo xitaa kuwo aanan nolol iyo geeri midna ku sheegi karayn.
Waxaan ku mashquulsanaa: Qiimeyntooda, aniga oo xitaa is-bar-bar-dhigayay laba ruux oo isku degmo ka soo wada jeeda, Da'doodu isu dhow-dahay, laakin ku kala sarreeya heerka aqoonta, Biseylka iyo Waaya-aragnimada.Waxaa ii soo baxay
"Aqoontu waa Iftiin" oo far waaweyn ku qoran.
Fekerkeygu wuxuu xitaa ila aaday, oo dariishadda uga galay qoysas aan kasaayo(garanayo), oo laga yaabo saacadahaas, hurdo iskaba daaye, ineyba riyoonayeen, oo gadgaddoomayeen, kuna sugnaayeen duni kale oo aan annaga noo muuqaneyn.
Ugu dambeyntii, waxaan sii xaqiiqsaday, yaqiinsaday, iina sugnaatay: dhabnimada iyo runnimada Murtiyo ay Abwaanno iyo Indheer-garad hore uga yiraahdeen Aqoonta iyo in wax la barto. Sida:-
Aqoon la'aani waa Iftiin la'aan. Waa Aqal iyo Ileys la'aan. Ogaada oo aada Dugsiyada.
Waxbarta aan Barwaaqo gaarnee..Haddaad taqaan bar, haddaadan aqoonna baro. iyo kuwa kale.
Waxaa i cajabiyay qiimaha qofka ku guda-jira waxbarasho iyo qofka toosan, oo aan laab-laabka iyo laqdabada garaneyn. Waxaa ii muuqday qiimaha qofka Aqoonta leh
Murti ayaa ahayd:-"Qofkii Adduunyo raba, wax ha barto. Kii Aakhiro rabana, wax ha barto. Kii labadaba isku wada-rabana wax ha barto"
Murti kale ayaa tibaaxeysa:-"Ruux aan wax aqoon miyaa wax laguugu daraa, mase Badda ayaad Baaquli duleela ku dhureysaa..?!!. Intii Ruux aan wax aqoon wax la iigu dari lahaa, Badda ayaan Baaquli duleela ku dhurayaa..!!.
Culimadii hore, waxaa ay dhihi jireen:-Waxbarashadu waa saddex heer:-
(1) Markii uu qofku marayo heerka kowaad, waxaa gasha isla-weynaan.
(2) Marka uu qofku marayo heerka labaadna, wuxuu noqdaa Mutawaadic(aan isla weyneyn)..
(3) Marka uu qofku gaaro heerka saddexaadna, wuxuu ogaadaa: in uusan waxba aqoon.
Caalim kale, oo isagana Cimrigiisa ku dhameeyay waxbarasho, ayaa waxaa la weydiiyay, wixii uu bartay...!. Wuxuu Caalimku ku jawaabay:-"Waxaan bartay: in aanan waxba aqoon"
Suubanaheenna(NNKH) waa kii yiri:-"Ruuxii mara Waddo uu Cilmi ku kororsanayo, waxaa uu Allah u fududeeyaa, waddada jannada"
Waxaa kaloo uu Rasuulku yiri:-"Malaa'iktu waxay Garbahooda u ruxaan Ruuxa Ardayga ah, raalli ay ka yihiin waxa uu samaynayo darteed(Cilmi-kororsiga)"
Eebbana, waa kii na lahaa:-"Miyay siman yihiin kuwa wax-yaqaan iyo kuwa aan waxba-aqoon". Ujeeddadu waa ma sinna ee wax barta. Aayadii Quraanka ugu soo horreysayna waa tii ku bilaabatay kalmadda ah "Akhri"(Iqra').
WD/Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com-



