Breaking news Rer Hasan from Liban vs Oromo Ethiopia

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Breaking news Rer Hasan from Liban vs Oromo Ethiopia

Post by CoolPoisons »

fock me. 75 dead. Focking bravehearts wale. a subclan of Marehan against 35 million Oromos

Mooyaale CMC-Dagaal keeney dhimasho iyo Dhaawac fara badan ayaa dhaxmarey Soomaalida degta Gobolka Liibaan iyo Oromada ay Deriska yihiin,waxaana dagaalkaas lagu soo qaadey Soomaalida Degta Degmooyinka Mooyaale iyo Uudat ee ka tirsan Gobolka Liibaan

Dagaalka oo socda maalinta Lexaad ayaa waxa ka dhashey dhimasho aad u fara badan oo labada dhinac marka la isku daro gaareysa ilaa 75 qofood,Dhulka uu dagaalku ka dhacey oo u dhaxeeya Uudat iyo Mooyaale oo masaafo ahaan isku jira in ka badan 150km ayaa waxa dagaal saf mar ah ku soo qaadey malleeshiyaadka sida militeriga u tababaran ee maamulka Oromiya.

Warka ayaa intaas ku daraya in dagaalku ka billowdey Degmada Uudat oo ay Oromadu dooneyso inay ka qabsato Soomaalida halkaas degan,waxaana la xaqiijiyey inay Oromadu markii hore qabsatey Uudat,hase yeeshee markii dambe ay Ciidamada maamulka Degmada iyo Beesha halkaas degan oo iskaashadey ay ka saareen,waxana halkaas ka dhacey Qasaare fara badan sida uu noo sheegey nin ku sugan Uudat oo magaciisa ku soo gaabiyey Cumar oo aan khadka Fooneeyaha kula xiriirney.

Dhimashada halkaas ka dhacdey ayaa gaareysa 35 qofood oo labada dhinac ah,waxaana dhimashadaas beesha halkaas degta ee Garre tiradooda gaareysaa ilaa tobon qofood,halka dhinaca Oromadana dhimashadoodu gaareyso 25 qofood oo meydkooda yaallo gudaha iyo hareeraha magaalada waxaana dadka labada dhinac ee dhaawacmey ka badan yihiin tirada dhimashada.

Sidoo kale dagaalka ayaa saameyn ku yeeshey dhinac Mooyaale oo ay malleeshiyaadka Oromadu dagaal baaxad weyn ku soo qaadeen halkaas,waxayna meelaha ay soo weerareen ka mid ah,Abitu oo aad ugu dhow Mooyaale,Xaafadda Jaamuuq ee ka tirsan Mooyaale,Raaro Kojowa,Goofa,QarsaWaata oo dhammaantooda ka tirsan Degmada Mooyaale,waxayna malleeshiyaadka Oromadu qabsadeen dhowr Goobood sida Abitu iyo Goofa ,inkasta oo markii dambe laga saarey.

Qasaaraha dhimasho ee ka dhacey Deegaanada hoos taga Degmada Mooyaale ayaa illaa iminka si rasmi ah loo ogeyn hase yeeshee wararka hordhaca ee dhinaca Soomaalida ka imaanaya ayaa sheegaya in dhimashada dhinacoodu gaareyo 7 qofood oo ay ku jiraan dad ka tirsan Maamulka Degmada Mooyaale,waxana dadka la xaqiijiyey ka mid ah Duqa magaalada C/sasiis.

Inkasta oo ay weli jirto xiisadda colaadeed ayaa haddana dowlladda dhaxe ee Itoobiya waxay ku jirtaa sidii ay Ciidamo u kala dhax dhigi lahayd,iyadoo arrintaasna ay ku gacan serytey Beesha Degta Uudat iyo Mooyaale,iyadoo ay halkaas gaarayaan Ciidamo fara badan oo gurmad ah oo ka imaanaya deegaanada ay beeshu Degto kuwaas oo ku biiraya Ciidamada dagaalka ku jira.

http://www.ceelwaaqnews.com/view.php?id=621
Xamari_76
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4939
Joined: Mon Feb 25, 2008 1:24 am

Re: Breaking news Rer Hasan from Liban vs Oromo Ethiopia

Post by Xamari_76 »

Oromo's are dived too..
Aliyyi Oromada
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 541
Joined: Tue Oct 21, 2008 10:18 pm

Re: Breaking news Rer Hasan from Liban vs Oromo Ethiopia

Post by Aliyyi Oromada »

Sound like clan skirmish. Probably Borana and Marehan. What they call "maamulka Oromiya" is just local clan militia. Unfortunate news.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”