And I think his poems should be viewed as historical events not offensive.There is difference between attacking tribes maliciously and narrating historical facts about them.
He even dissed and looted the camels of his own clan -->ogaden--->Mohamed subeyr who plotted to assisnate him,
You canot blame him for writing gabays critical of puntlanders and somalilanders, because they were supporting and seeking the help of Itlians and British..
Brits have have attempted to convert Somalis to Christianity,Sayid saw near berbera, (now Somaliland), french catholic mission that had 69 somali (somalilanders) boys in an orphanage. sayid learned that the boys were given Christian names(and faith) and identity polluted..there were missionaires in somalia both north and south in Southern somalia, the mogadisho missionaires mainly Italians did succeed in bringing many people into their faith..
Anyone that read the Sayyid'shistory would be inspired and realise he was ahead of his time, truely an exceptional man, Despite the unjustified criticism against him he still remains the most amazing man in somali history, a True Somalian, a man who had a vision only seen by him and few others, but continued his stragel against the enemy and gave his life to his beloved country, AUN.
here is one of his gabayo in respond to critisims he received from his opponents
"Nin Ilaah yaqaan oo sharciga,ku isticmaala
Ashahaado loo qoray nimaan,kala allaaweynin
Oo aan ankirahayn xaq waa, la oggolaadaaye
Nin salaadda awqaadda faral, u addimoonaaya
Oo dagada oofinahayoo,ugubka dhiibaaya
Oo aan bakhaylnimo abkiis.lagu ishaareynin
Nimaan diinta aafo u geleyn,aakhiruu sabanka
Oo aan amxaarada sidii,obo u yaacaynin
Oo gaalka ooradu ku taal,u askaraynnaynin
Nimaan abuurka Soomaliyeed,ka anfi taageynin
Oo aan ajuurada kufriga,ugu adeegeynin
Oo aan ardiga beesadeed,u ashtakooneynin
Nin jahaad ohoominahayoo,ubaxa loo saaray
Ingiriiska eygaa ninkii,ugu uneexaaya
Oo libin ajri leh soo heloo.or iyo geeraar leh
Nimanyahow aqoonxumadu,waa ardaalnimo e
Asaraar ma fiicnee runbaan.lagu arooraaye
Ninkii aynigaa lagu yaqaan,aw islaan ma aha
Shir aguugay waayeel abyamay,tala ashaaddowdey
Irda jiqa albaabo isku xiran,eel la bixin waayay
Xaajadaas afraha duubatee,loo olmami waayay
Nin aqoon leh aw iyo haddii,odaygu loo saaro
In kastoo ayaan iyo ayaan,lagu aloollaado
Ninkii maalintaa ka aarinsha,aaqil aw ma aha?
Wiiwiida qaylada haddii,uubatadu yeedho
Sengootida ilwaadda leh haddii,agabta loo qaato
Awaaraha buska leh maalintuu,xamar abraaraayo
Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo
maantuu aboodigu ku lalo,ubaxa loo daadshay
Maantii isaaya la dhaco idil dagaalkeeda
Maantii fuluu naga ordoo,alabasoo rooro
Maantii raggaan loo ileyn naga ugaaroobo
Mantaa ninkii aarsan sow,aarka dhacay ma aha?
Nimaan edebdarrooneya xil waa laga ajoodaaye
Aflagaadda aan jirin nimaan,kuula imaneynin
Oo kaa asluubanahayoo,kaa istixyoonaaya
Ab uu yahayba aadniga ninkii,same ekeynaaya
Abtirsiinya kii xigay nimaan,iriq u dheeraynin
Addomaha Ilaahy nimaan,kala irdhaynaynin
Ninkii aamusoo shib ah haddii,eray xun loo geysto
Aan kula ekeekamin intuu,urur ku soo joojo
Aan xaaja aawgeed la gubay, ubucda jeexaynin
Anfaaciga adduunyada nimaan,ku anfariiraynin
Oo xeeryo soor lagu akhatimay,ibir ka yeelaynin
Oo sida ardaal wax u cunee,alam ka siineynin
Intuu aqalka baanjiyo,nimaan aradda guulguullin
Aagaanta ciirtaa nimaan,aaska dhiganaynin
Oo aan qumbaha awdanoo,ilaxirkow jiidan
Aaqibadii loo galo nimaan kala illaaweynin
Oo kuu ixsaan fali intuu,edeg adduun joogo
Oo aan abaaldhaca aqoon sow,ikhyaar maaha?
Ari badan lo' iyo geel intii,mulug adduunyaada
Ugub dhalaya qaalmaha umulee,laga unnun gooyey
Eeraan fardood iyo gammaan,aradka duulaaya
Ninkii maalintaad iillaan tahay,aana kugu qaataa
Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin
Itaalxumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?
