Maryan Mursal:Soo-dhawaynteeda sidii loogu sacab-tumay looma

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Maryan Mursal:Soo-dhawaynteeda sidii loogu sacab-tumay looma

Post by Ducaysane_87 »

Waxay ahayd in aanu joogno Somaliland 22 maalmood oo waabanu daahnay…". Fanaanada Maryan Mursal


Hargeysa/Sallaxleynews-Fannaanadda Maryan Mursal Ciise oo markii hore si weyn loogu soo dhaweeyay Somaliland, ayaa shalay ka dhooftay Madaarka Magaalada Berbera, iyadoo aan loo sagootiyin sidii markii hore imaatinkeeda loogu sacab-tumay.

Siday sheegeen Warar amba-baxeeda la xidhiidha, Fannaanadda Maryan Mursal habeen hore ayay ka amba-baxday Magaalada Hargeysa, waxaana la xaqiijiyay in uu sii qaaday Gaadhi yar oo uu watay Muwaadin la shaqaynayay intii ay dalka joogtay, isla markaana ay sidaas shalay gelinkii hore kaga dhooftay Magaalada Berbera.

Wargeyska Jamhuuriya caddadkii shalay ayaa faafiyay in Fannaanadda Maryan Mursal ka cadhootay cudur-daar uu Abwaan Hadraawi ka bixiyay Dugsi ay ugu magac-dartay oo laga dhagax-dhigay Xaafadda Daami ee Magaalada Hargeysa. "Eeddo, waa Been oo cadho kuma dhoofin. Waxay ahayd in aanu joogno Somaliland 22 maalmood oo waa baanu daahnay." Sidaa waxa tidhi Maryan Mursal mar ay ka jawaabaysay su’aal uu Weriye Barkhad Daahir oo Ogaal ka tirsani Khadka Telefoonka ku waydiiyay abbaaro 9:00 subaxnimo ee shalay waqtigaas oo ay ku sugnayd Madaarka Berbera. Hase yeeshee, Fannaanaddu weedhaas ayay kaga gaabsatay su’aashii uu Weriyuhu waydiiyay oo la xidhiidhay waxyaabahay ka cadhootay.

Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo Telefishanka HCTV wax ka waydiiyay amba-baxa Maryan, ayaa sheegay in Maryan ay u amba-baxday hawlo degdeg ah oo kala soo dersay dhinaca Magaalada London, isla markaana ay dalka ku soo laaban doonto.

Ma jiraan Warar madax bannaan oo kala saafaya xaqiiqda oo dhinacyadaas ka soo baxay, hase ahaatee, Nin lagu magacaabo Ismaaciil Jaamac Xirsi (Caga-yare) oo ka mid ahaa dadkii shalay ku sii sagootiyay Madaarka Berbera, isla markaana sheegay in uu Wade ka ahaa Gaadhigii u qaaday Berbera, ayaa markii uu ka soo laabtay Berbera u soo gudbiyay Wargeyska Ogaal qoraalkan oo uu Magaciisu ku qoran yahay. "Anigoo ah Ismaaciil Jaamac Xirsi (Caga-yare), waxaan ka mid ahaa dadkii Maryan Musal la shaqaynayay maalintii ay dalka timi ilaa maanta (shalay) oo ay Berbera ka dhooftay. Maryan waxay aragtay Wargeys ay ku qoran tahay, waxay dalka kaga baxday cadho. Markaa, Maryan waxay I soo fartay, in aanay cadho Somaliland ka cadhoonin, isla markaana waxay u hambalyaysay guud ahaan Shacbiga Somaliland, gaar ahaan Madaxweynaha, Madaxweyne-xigeenka iyo Marwada M/weynaha. Waxaanay ka mahad-naqday sidii dalka loogu soo dhaweeyay. Hase ahaatee, Maryan waxay doonaysay in ay Barnaamij Faneed u qabato umadda mar hadday dalka timi, waxaanay rabtay in ay Beerta Xorriyadda ugu qabato. Laakiin, niman iyada la socday ayaa doonayay in ay Barnaamijkaa Hutel ku qabato oo yidhi Hutel ku qabo, balse waxay tidhi, Anigu dalka Lacag umaan soo doonan. Sidaa darteed, marka koowaad waxay u baxday cadho iyaga ah. Marka labaad waxay cadhadeedu la xidhiidhay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ay ka cabanaysay oo hanti Fankii 26 June loogu talo galay aanay waxba ka arag,meel uu mariyayna isagaa ka warami doona. Baabuurkii ay ku bixi lahayd ee safarkeeda iyo qaban-qaabadiisana isaga ayaa u xil saarnaa, taana kamay helin ee Telefoonka ayuu ka xidhay. Markaa cadhada ay ku baxday taas ayaa ka mid ahayd. Laakiin, waxay tidhi, sida Somaliland layga soo dhaweeyay waa mid aanan iloobi karin. Arrinta Hadraawi uu ka cudur-daartay Magacii Dugsiga, Aniga Maryan aad bay arrintaa iigu soo dardaartay, waxyaabaha ay ka cadhootay ee ay u baxdayna waa ka mid. Isla markaana waxay ii sheegtay in ay ballan-qaadkii fulinayso, balse meesha Dugsiga laga dhagax-dhigay ay ka dhisayso oo ay u bedelayso Wershad dhinaca Farsamada Kabaha ah. Inkasta oo sidii loo soo dhaweeyay aan loo sii sagootiyin, haddana cashadeedu waxay ku aaddanayd ash-khaas isugu jirtay dadkii la socday ee markii hore Barnaamijka la waday iyo kuwo halkan ku sugnaa oo aanay isugeyntoodu 7 qof ka badnayn. Hase ahaatee, markii aanu maanta (shalay) Berbera ka dhoofinaynay waxay igu tidhi, dadkayga ma iloobi doono, si i dhaqso ah ayaanan u soo noqonayaa oo bil maqnaan maayo."



Waraysigan waxa Qaaday
Weriye Barkhad Daahir Indha-nabe oo ka Tirsan WArgeyska Ogaal


http://sallaxleynews.com/index.php?opti ... 7&Itemid=1
User avatar
Kukri
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6571
Joined: Thu Oct 02, 2008 8:21 am
Location: Jigjiga

Re: Maryan Mursal:Soo-dhawaynteeda sidii loogu sacab-tumay looma

Post by Kukri »

"-Fannaanadda Maryan Mursal Ciise oo markii hore si weyn loogu soo dhaweeyay Somaliland, ayaa shalay ka dhooftay Madaarka Magaalada Berbera, iyadoo aan loo sagootiyin sidii markii hore imaatinkeeda loogu sacab-tumay"


What a Ungreatful cow!
User avatar
Cinque Mtume
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4005
Joined: Fri Mar 06, 2009 5:36 pm
Location: Tres Puntos

Re: Maryan Mursal:Soo-dhawaynteeda sidii loogu sacab-tumay looma

Post by Cinque Mtume »

Kukri,


If u can't read Af Somali, just ask someone here for translation.
User avatar
Kukri
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6571
Joined: Thu Oct 02, 2008 8:21 am
Location: Jigjiga

Re: Maryan Mursal:Soo-dhawaynteeda sidii loogu sacab-tumay looma

Post by Kukri »

" iyadoo aan loo sagootiyin sidii markii hore imaatinkeeda loogu sacab-tumay"


Doesnt the line above sound l;ike the red carpet should have been laid for her send off?


Thats why i said ungreatful cow you dippy cow!
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”