Gedo nomadic livestock vaccination programme

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Gedo nomadic livestock vaccination programme

Post by Voltage »

Posted by gedo
Sunday, July 12 @ 15:37:44 EDT

waxaan lakulmay Hay'adda xanaanada xoolaha ee magaceeda loo yaqaano V.S.F-Suisse (Veterinaires Sans Frontieres) oo ka hawlgasho qaar kamid ah gobalada dalka soomaaliya oo uu kamidyahay G/Gedo oo samaynaysay mashruuc ay oogu yeertay EMBASO oo talaal ah ama Vaccination oo ay kawaday dhamaanbo Degmooyinka Gobalkani Gedo.

Ibraahim awliyo oo kamid ah Dhaqaatiirta xanaanada xoolaha ee lashaqeeya hay’adda V.S.F ayaa noo sheegay Talaalkaan xoolaha ee ay fulisay hay'adda V.S.F in ay ku talaashay 500.000 (shanboqol oo kun) oo neef oo ari ah ibraahim ayaa intaas ku daray arigaan in laga talaalay cudur cusub oo loo yaqaano PPR Cudurkaan ayaa lagaa cabsi qabay inuu ka soo gudbo xuduudka dalalka Kenya iyo soomaaliya maadaama uu horay ooga dilaaacay dalka kenya oo xuduud dhaw oo dheer la leh dalka soomaaliya gaar ahaan gobalka gedo ee koofurta dalkaa soomaaliya.

waxaa kaloo ibraahim awliyo oo kamid ah Dhakhaatiirta Hay'adda xanaanada xoolaha ee V S F-suisse uu Cadeeyay asagoo La hadlaayay qaar ka mid ah shaqaalihii Fuliyay Talaalkan hada la soo gabo-gabeeyay in aysan V S F iskagatagin Shacabka Reer Gedo ee waxaan sii wadaynaa ayuu yiri.. Daawaynta iyo talaalka xoolaha Anagoo adeegsanayno CAHWs Daryeelaha Caafimaadka ama xanaanada xoolaha ee Bulshada, Laakiin waxaa hakad galay ayuu yiri Talaalka, asna waxaan filaynaa inaan dib u bilaawno mustaqbalka dhaw.

Sidoo kale dadka reer gedo ayaa si wayn usoo dhaweeyay ol-olahaan ay fulisay hay'adda V S F,ee ay ku talaalayso kuna daawaynaaysdo xoolaha Gobalka Gedo oo ah laf dhbarta dadka ku dhaqan Gobalkani Gedo.

sidoo kale dadwayne kala duwan oo xoolo dhaqato ah oo aan goobo kala duwan kula kulanay iyagoo ku sugan xeryaha xoolaha lugu talaalo xaafadahooda iyo tuulooyinka ayaa Rajo fiican ka muujiyay talaalka ka hortaga ah oo ay xoolohoodu heleen, halka kuwa kale ee aan nasiibkauyeelan in ay xoolohoodu haleelaan talaalka cudurada faa-fo ay ka codsadeen hay'addaha iyo ururada xanaana xoolaha gaar ahaan Hay'adda V S F, inaysan isagatagin ee ay caawino uga baahanyihiin Gaar ahaan Talaalka iyo dadwaynta xoolaha, oo xiligaan abaarta ah aad unugul intaas ayaa waxaa ay ku dareen inay jiraan Cuduro iyo abaaro, walina ay u baahanyihiin Talaalka xoolaha iyo daawayntoodaba si loo xakameeyo ayay yiraahdeen Cudurada, iyo Dhimashada, xoolaha ee nolasha dadka reer gedo ay kutiirsantahay oo maalinba maalinta ka dambaysa sii badanayso.

waxaa kaloo gobalaka Gedo kajiro Abaar aad udaran oo dadku walaac ka muujinayaan oo laga yaabo si ay kuu sheegaayaan dadku inay saamayn culus ku yeelato xoolaha iyo dadka Goblakni Gedo hadii aysan helin gar-gaar ku filan oo ooga yimaado xag alle amaba hay’addaha gar-gaarka jaaliyadaha dibada iyo muslimiinta aduunka.

By Maxamed maxamud cisman (mmcisman).
User avatar
Voltage
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29214
Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron

Re: Gedo nomadic livestock vaccination programme

Post by Voltage »

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
User avatar
Osman-NZ
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 606
Joined: Thu Jul 02, 2009 8:50 pm

Re: Gedo nomadic livestock vaccination programme

Post by Osman-NZ »

GOOD NEWS :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”