Shabaab & Xisbul Islam cross the border

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

Kanada
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 687
Joined: Thu May 28, 2009 6:15 pm

Shabaab & Xisbul Islam cross the border

Post by Kanada »

Dagaal Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam ku dhexmaray gudahad dalka Kenya

Jimco, December 25, 2009(HOL): Dagaal u dhexeeya Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa shalay gallinkii dambe la sheegay inuu ka dhacay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanka Dhadhaja-bulo oo ku dhow xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya, iyadoo dagaalku uu dhaliyay khasaare nafeed oo kala gaartay dhinacyadii dagaalamay iyo dadka deegaankaas ku nool.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in xoogag daacad u ah Xarrakatul Shabaab ay ka talaabeen xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya ay u baacsadaan ciidamo ka tirsan kuwa Xisbul Islaam oo ku suganaa gudaha Kenya.

Inkastoo aan la sheegi karin khasaaraha labada dhinac kala gaaray, haddana waxay dad goobjoogayaal ah xuseen in dhaawacyada labadii ciidan ee dagaalamay lagu hayo gudaha dalka Kenya, isla markaana aysan jirin wax daweyn ah oo ay heleen.

Mas'uul ka mid ah guddiga ammaanka deegaanka Dhadhaja-bulo oo lagu magacaabo Deeqo Dooble Shiikh Cali ayaa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da in dadka deegaanka qaarkooda ay dhaawacday rasaastii ay labada ciidan isdhaafsanayeen, ayna xoolo badan ku waxyeelloobeen rasaasta.

Xarrakaul-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaan weli ka hadlin dagaalka ku dhexmaray gudaha dalka Kenya, wuxuuna kusoo beegmay iyadoo ururka Xisbul Islaam uu Muqdisho ka sheegay in kulan lagu doonayay in lagu dhameeyo khilaafkii sababay dagaalkii Jubbada hoose uu ku dhamaaday guuldarro.

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay bilowday baaritaanno ay ku sameynayso halkii la sheegay inay labadan kooxood ku dagaallameen, sidoo kale waxay dowladda Kenya Ciidamo badan soo dhoobtay askar badan si ay uga hortagaan in uusan dagaalka kooxaha hubeysan ee Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab saameynin dalka Kenya.

http://hiiraan.com/news/2009/Dec/warark ... 5-8405.htm
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Shabaab & Xisbul Islam cross the border

Post by AhlulbaytSoldier »

This clearly shows the weakness of kenya and the strenght of ethiopia. Because shabaab does not respect border of kenya,while they run away from ethiopians who enter hiiraan region.
Kanada
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 687
Joined: Thu May 28, 2009 6:15 pm

Re: Shabaab & Xisbul Islam cross the border

Post by Kanada »

HutuKing01 wrote:This clearly shows the weakness of kenya and the strenght of ethiopia. Because shabaab does not respect border of kenya,while they run away from ethiopians who enter hiiraan region.
Where is the kenyan military on high alert on the border? where is the supposedly thousands of somali fighters training close to the border?
User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Re: Shabaab & Xisbul Islam cross the border

Post by Talo alle udaa »

This story reportedly never happened, the shabaab have arrested two reporters in kismaayo for reporting false stories.
edleh
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 386
Joined: Sun Jul 26, 2009 12:34 am

Re: Shabaab & Xisbul Islam cross the border

Post by edleh »

Talo alle udaa wrote:This story reportedly never happened, the shabaab have arrested two reporters in kismaayo for reporting false stories.
Waxyaabaha Soomaalida sillooneeyey waxaa ka mid ah baahinta warar aan sal lahayn iyo dadkii warka caynkaas ahi soo gaaray oo wax walba u liqa si duuduub iyo iska eeggis la'aan ah taasi oo marka dambe saamayn ku yeelata bulshada oo dhan keentana isku dhacyo iyo kala daadsanaan dhexdeeda ah.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”