Ogaden Youth League(N.America) Hold 3 day Conference.

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Ogaden Youth League(N.America) Hold 3 day Conference.

Post by hanqadh »

Ururka OYN ee Waqooyi Amerika oo isagu yimid shir 3 maalmood socdey.

Ururka Isku Xidhka Dhalinyarada Ogadeniya ee Waqooyi America (Ogaden Youth Network of North America) ayaa magaalada Minneapolis Maalintii Axada ee March 14, 2010 ku soo gabagabeeyey shir socdey 3 maalmood ee Jimce, Sabti iyo AxadShirkan oo ay ka soo qabygaleen xubnaha Dhalinyarada ee Gobolo badan oo ka mid ah cariga Maraykanka, sida San Diego, Denver, Seattle, North Dakoda iyo Minnesota. Sidoo kale waxaa wadanka Canada ka soo kicitimey Xubno ka mid ah Ururuka Dhalinyarada Ogadeniya ee Canada (Ogaden Youth Network of Canada).

Kulankan oo aad u balaadhnaa oo si aad ah loo soo agaasimey ayaa waxaa maalintii Sabtida ka soo qaybgakey dadweyne aad u fara badan oo isagu jira Jaaliyada Ogadeniya iyo kuwa jamhuriyada Soomaiya, sidoo kale waxaa shirka ka soo qayb galey marti sharaf lagu soo casuumey shirkan oo ay ugu horeeyaan mas'uuliyiinta jaaliyadaha Ogadeniya iyo qaar ka mid ah xubnha JWXO ee ka hawlgala Waqooyi Amerika oo halkaas ka soo jeediyey khudbado taariikhi ah iyo talooyin ku aadan Dhalinayarada.

Dhinaca kale, mas'uuliyiinta ururada dhalinyarada ayaa madasha shirka ka soo jeediyey warbixino meeo badan taabanaya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in dhalinyaradu u hanan lahayd kaaliinta kaga aadan halganka loogu jiro aaya katalinta shacabka Ogadeniya.

Dhalinyarada ka soo qaybgashey kulankan ayaa goobtii shirka ka soo jeediyey suugaan iyo majaajilooyin kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen gabayo lagu qaadayo luuqada English-ka oo ay halkaas ka soo jeedisay Gabadh aad u da'yar oo ka soo soo safartey wadanka Canada. Gabaygaas oo dadkii goobta fadhiyey ku abuurey xamaasad iyo qiiro wadaninimo.
Ujeedada shirkan oo ahaa is barashada Dhalinyarada iyo qaabkii ay u wada shaqeyn lahaayeen ayey dhalinyaradu si gooni ah arimahaas ugu gorfeeyeen maalmihii Jimcaha

iyo Axada. Dhalinyarada ayaa kulamadoodan ku soo bandhigey warbixino cilmiyeysan iyo qaabka ay u doonayaan in ay u midyen doonaan cududa iyo maskaxda dhalinyarada Waqooyi Amerika. Sidoo kale, waxay balan qaadeen in ay kulamadooda danbe ku qaban doonaan goobaha waxbarashada sida Jaamacadaha, si dhibaatada ay Itoobiya ku hayso shacabka Ogadeniya loo gaadhsiiyo caalamka , isla marakaana saaxiibo loogu yeeli lahaa.Dhalinyarada ayaa waxay qorsheynayaan in ay furi doonaan tababaro meelo badan taabanaya oo ay midka tahay sida loo xaliyo khilaafaadka, barashada taariikhda halganka Ogadeniya, barashada hogaamiye nimada (Leadership training) iyo qaabkii saaxiib loogu sameyn lahaa shacabka dhibaateysan ee Ogadeniya




Image
Image
Image
This is the Grass-roots movement the Ogaden cause has established as i was mentioning in the other topic, the youth are becoming an essential part of this Halgan. :up:
Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Ogaden Youth League(N.America) Hold 3 day Conference.

Post by Queen_Arawello »

Great post halgama hanqadh..the Ogaden youth are the driving force behind the halgan walaahi..we bring new blood, fresh ideas and take it to the next level..even though many of us have never set foot in the Ogaden the passion we have for our land and people is strong :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”