Warar laga helayo dad goob joogayaal ah ayaa sheegey in ay waardiyayaasha saraakiishaan ay rasaas cirka u ridayeen si ay u difaacaan Saraakiishooda, waxaase la cadeeyey in Diyaarada oo aad u fogeyd meesha ay duuleysey aysan gaari karin rasaasta ay ridayeen Al-shabaab.
Khasaaraha ilaa hada lama hayo inta uu le´eg yahey dhinaca saraakiisha Al-shabaab ee saaka la weerarey iyagoo shir u fadhiya.
Warar hor leh ayaa ka soo baxayo xaaladda ay ku sugan tahay magaalada Marka ee gobolka Shabeelada hoose kadib markii maanta laga geysatay weerar ay fulisay diyaarad helicopter ah, hadda magaaladu waa bandaw, Isgaarsiinta qaarkeed ayaa la jaray.
Ciidamada maamulka Al-Shabaab ayaa lagu soo daadiyey qeybo badan oo Marka ah, waxay ku amreen mehradaha ganacsiga in la xiro, dadku waxaa la faray in ay damiyaan taleefanada gacanta ee ay sitaan, qaar kamid ah Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa albaabada loo laabay.
Dagaalyahanno kale oo fara badan ayaa ku gadaansan guri la duqeeyey oo ilaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay aan la ogaan.
Lama ogase dhan kale muddada uu sii socon doono bandawgan iyo in caawo magaaladu bandawga sii saarnaan doono,
Mas'uuliyiinta maamulka Marka kama aysan hadlin arrintan.
Halkan kala soco wixii ka soo kordha.
AL shabab getting droned
