Yusuf dabageed the hiraan warlord,who they have been using to take baledweyne is now in their custody
Feerfeer:- Xog-ogaal diiday in magaciis la sheego baa Somalimidnimo.com u sheegay in arrimaha lagu heysto Dabogeed, C/Laahi Cali Weheliye, iyo C/Fataax ay yihiin dhowr arrimood:
(1) Canshuurta laga qaado gaadiidka maraya Kala-beyr ee iskaga kala goosha Gobollada Dhexe ayaa Tigreegu dhaheen waa inay ku dhacdaa khasnadda Tigreega ee Feerfeer. Arrintaasi ayaa waxaa ka soo horjeestay Dabogeed iyo saaxiibbadiis oo rabay inay iyagu qaataan dabadeedna Tigreegu waxyaalaha ay Dabogeed ku heystaan taasaa ka mid ah. Waxaa arrinta canshuurta loo diibay Aadan Garaase oo hadda iska dhiga inuu Qabuuro-galeenka ku jiro. Isagaa hadda Kala-beyr lacagta ka qaadaa oo geeya Feerfeer.
(2) Xabbado habeynkii ka dhaca Feerfeer. Waxaa Tigreegu ka baqeen xabbado aan horay looga aqoon inay ka dhacaan Feerfeer oo hadda ku soo badanayey. Markay dabogal sameeyeen Tigreegu waxay ogaadeen inay yihiin ilaalada Yuusuf Dabogeed. Itoobiyaanku waxay xirxireen ilaalada Yuusuf Dabogeed ilaa isaga laftiisa la xiray.
(3) Waxaa jira niman sheegta saraakiisha maryocalasta oo Tigreegu u xireen nin lagu dilay Baladweyne. Lama garanayo waxa Tigreegu uga danleeyihiin ninka la dilay ee ay nimankaas u xireen maaddaama ay dilaan intaas oo qof maalin kasta!
(4) Ciidanka ka goostay maryocalasta. Hadda Tigreegii waxaa ku adkaatay cid ay aaminaan. Maryocalasta reer miyi iyo reer magaal bay iskugu jiraan. Ma jirto kala-dambeyn. Marka taasna sidii horay loo sheegay waa waxyaalaha lagu heysto Dabogeed iyo saaxiibbadiis.
(5) Tigreega oo raba inay shir u qabtaan qabiillooyinka Soomaaliyeed ee Hiiraan dega. Waxaa la leeyahay waxay hadda ergo u soo direen qabiillada deggen Hiiraan. Dadku waxay la yaabban yihiin gobolkii ugu dhowaan kulligiis waxaa gacanta ku haya Ash-Shabaab marka laga reebo Matabaan iyo tuulooyin sida Kala-beyr oo kale ah. Marka waxaa la is leeyahay Tigreegu waxay Dabogeed u xireen inay cabsi geliyaan qabiilooyinka. Waxaa la filayaa in shakhsiyaadka Suufiyada ahi ee qola kasta ku jira tagaan Feerfeer iyagoo iska dhigaya inay metelaan qabiillooyinka dega Feerfeer.
Marka arrimahaas iyo arrimo kale ayaa Dabogeed iyo saaxiibbadiis eersadeen. Waxaad mooddaa in dagaaloogayaasha iyo mooryaantu aysan baran waxa Tigreega iyo Xabashida laga yiri! Waxaad mooddaa inaysan ku cibroqaadan sida Tigreegu maalin kasta u xirto qaar ka mid ah mooryaanta iyo kuwa hor booda.
Somalimidnimo.com


