Dayactir Lagu Bilaabey Midkamid ah Waddooyinka Muhimka ah ee Bosaso [Sawiro]
January 4, 2011 | 5 comments
Share
Maamulka degmada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta si rasmi ah dayactir ugu bilaabay mid kamid ah wadooyinka ugu muhiimsan oo ku yaalla magaalada.
Munaasabad dayactirka wadadaas xariga looga jaraayay ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyin ka tirsan Dawladda Puntland oo ugu horeeyey Wasiir kuxigeenka labaad ee arimaha gudaha Puntland Cabdi Yaasin,Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdixaafid Cali Yuusuf,Duqa degmada Maxamuud Faarax Beeldaaje,laamaha amaanka iyo shacabka.
Waddada dayactirka lagu sameynaayo ayaa isku xirta garoonka diyaaradaha iyo xarunta madaxtooyada ee magaalada, waana mid kamid ah waddooyinka ugu dheer magaalada Bosaso.
Ugu horeyn munaasabada waxaa ka hadlay duqa degmada Bosaso,waxaana uu sheegay in waddadaan dayactirkeeda ay ka qayb qaadanayso Hay’ada UNDP isagoo sheegay in waddadaan ay dheerar ahaan gaarayso 3-KM.wuxuuna tilmaamay in mashruucaan ay qayb ka tahay.
Gudoomiyaha degmada waxaa uu ka codsaday dhamaan dadka kunool Bosaaso in ay ka qayb qaatan sidii loo dayactiri lahaa waddadaan.
DSC01448
DSC01398
DSC01448_1
DSC01399
DSC01403
DSC01409
DSC01418
DSC01414
DSC01395
DSC01404
Wasiir kuxigeenka labaad ee arimaha gudaha Puntland Mudane Cabdi Yaasiin oo isaguna ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in muhiim tahay in laga shaqeeyo horumarka magaalada,waxaana uu ku dhiirageliyey shacabka in ay gacan ka geystaan dayactirka waddada.
Mid kamid ah Nabadoonada oo lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Ismaacil ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan talaabadan uu qaaday maamulka kuna tilmaamay si aad ah loogu farxo isla markaana ah maalin taariikh ah
Waddadaan ayaa kamid ah wadooyinka si aad ah loo isticmaalo,waxaana laga dhigi doona sida ay masuuliyinta sheegeen laami.
Horseed Media
Puntland a land thats peace.
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 539 Views
-
Last post by SomaliDefenceCouncil
-
- 2 Replies
- 474 Views
-
Last post by XHKS
-
- 26 Replies
- 1532 Views
-
Last post by cutee_wit_da_booty
-
- 2 Replies
- 690 Views
-
Last post by Turbulence
-
- 42 Replies
- 2960 Views
-
Last post by The_Emperior5
