Puntland Health Campaign Continues to Burtinle and Galkayo.

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Sat Nov 20, 2010 12:59 am
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Puntland Health Campaign Continues to Burtinle and Galkayo.

Post by Coeus »

Gaalkacyo (RBC Radio):- Wasaarada Caafimaadka ee Dowladda Puntland ayaa dalka keentay dhaqaatiir ajnabi ah oo bixinaya gargaar caafimaad oo lacag la’aan ah, waxayna howlgalo caafimaad ka soo sameeyeen magaalooyinka Garowe, Burtinle iyo Gaalkacyo oo ay haatan ka wadaan.

Isbitaalka magaalada Gaalkacyo oo ay maanta dhaqaatiirtaasi ajnabiga ah ka howlgalayeen ayaa ahaa mid aad u mashquul badan, waxaana maamulka Isbitaalka Gaalkacyo ay RBC Radio u xaqiijiyeen in ay is diiwaan geliyeen dad tiro ahaan kor u dhaafaya ilaa iyo 800 oo qof.


Labo dhaqtar oo u kala dhashay wadamada Masar iyo Uzbakistan ayaa maanta howlgalo caafimaad oo lacag la’aan ah u sameeyay bukaano ka kala yimid xaafadaha magaalada Gaalkacyo, waxaana howlahani gargaarka caafimaad ee ay wadaan dhaqaatiirta ajnabiga ah sii socon doonaan maalmaha soo socda.

Dhaqaatiirtani ajnabiga ah ee bixinaya gargaarka caafimaad ayaa waxay ka soo howlgaleen Isbitaalada Garowe iyo Burtinle, waxayna Isbitaalka Garowe ku qaabileen ku dhowaad 500 qof oo bukaan ah, halka degmada Burtinle howlgal caafimaad oo ay ka sameeyeen ay ku qaabileen 750 ruux oo iyaguna bukaano kala du-duwan ah.


Waxaa dhaqaatiirtani oo labo ruux ah ay kala qaabilsan yihiin dhegaha iyo indhaha oo hal dhaqtar ah, iyo dhaqtarka kale oo isaguna shaqadiisu tahay xanuunada dumarka, waxaana keenista dhaqaatiirtani ajnabiga ah gacan weyn ka geysatay Wasaarada Caafimaadka Dowladda Puntland.

Dhinaca kale Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa tababar maalmo kooban soconaya waxaa ay u furtay dhalinyaro kalkaaliyaal caafimaad ah kuwaasi oo wax ku baranaya hoolka shirarka ee Isbitaalka Gaalkacyo, waxaana u faa’ideynaya macalimiin dhalinyaro ah oo soo dhameysatay jaamacadaha wadanka banaankiisa ah.


Ardeydani ayaa marka ay dhameystaan waxaa ay noqonayaan kalkaaliyaal caafimaad oo ka howlgala Isbitaalka Gaalkacyo, kuwaasi oo ka shaqeyn doona qeybaha balaaran ee Isbitaalka Gaalkacyo oo dhowaantan Wasaarada Caafimaadka Puntland oo kaashanaysa Hay’ado ay dib u dayactir balaaran ku sameysay.

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Sat Nov 20, 2010 12:59 am
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Re: Puntland Health Campaign Continues to Burtinle and Galka

Post by Coeus »

Doublepost

Return to “Politics - General Discussions”