ONLF Medical Gratuates Wishing to Work in Ogadenia

Faranacab
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3407
Joined: Fri May 01, 2009 12:40 am

ONLF Medical Gratuates Wishing to Work in Ogadenia

Post by Faranacab »

Tabobar Caafimaad oo Arday badan oo CWXO ka mid ah gudaha Ogadenya loogu soo xidhay.

Jan 06, 2011 (QOL) Waaxda caafimaadka ee Ciiddanka Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya ayaa tan iyo sanadkii tagay ee 2010 waxa ay dadaal xoogan galisay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo tirada dhakhaatiirta CWXO, waxaanay waaxda caafimaadka ee CWXO kal hore fulisay tababaro caafimaad oo ay dafcado is xigxigay oo khibradlayaal caafimaad ah marar kala duwan ugu soo xidhay waxbarashooyin caafimaad oo ka kooban khibradaha kala duwan ee maadada caafimaadka.

Tababaradan oo ay ka qalin jabiyeen arday aad u tiro badan oo ka kooban dhamaanba qaybaha CWXO ayaa waxaa ka qayb qaatay macalimiin maadada caafimaadka iyo baritaankeeda ku xeel dheer, kuwaasi oo u guntaday in ay shacbigooda iyo CWXO ka haqabtiraan baahida caafimaad.

Dafcadii ugu danbaysay ee noocan ah oo soconaysay muddo sadex bilood ah waxna ay ku barteen N/hurayaal dhakhaatiir ah oo tiro badan ayaa waxa la soo xidhay 01-01-2011. Xafladii xidhitaanka tababarkani caafimaad oo ay goobjoog ka ahaayeen ardaydii tababarka la siiyay, macalimiintii tababarka caafimaadka bixinaysay, maamulka waaxda caafimaadka CWXO iyo xubno ka tirsan talisyada qaybaha CWXO iyo madax sare oo iyana ka tirsan Hogaanka gaashaan dhiga CWXO oo si heer sare ah loo soo habeeyay ayaa waxa ay u qabsoontay sidii loogu talo galay, xafladii xidhitaanka tababarkani ayaa waxaa khudbado lagu diirsaday ka soo jeedisay madaxdii madasha joogtay, oo dhamaantoodba ardayda iyo macalimiintoodaba u soo jeediya mahad celin iyo dardaaran ku saabsan sidii ay dhakhaatiirtaasi cusub ooga soo bixi lahaayeen waajibaadkooda shaqo oo ah mid aad culus, isla markaana ay tunka u dhigtaan shaqada caafimaad ee CWXO iyo shacbiga Ogadenyaba ka sugayaan.

Ardayda ayaa dhankooda waxa ay balan ku qaadeen in ay kaalinkooda caafimaad ka soo bixi doonaan hadii uu Eebe idmo, kuna dayan doonaan dhakhaatiirtii iyaga ka horaysan ee sidan oo kale gudaha Ogadenya oogaga aflaxay maadada caafimaadka.

si kastaba ha ahaatee dafcadan u danbaysay ee caafimaadka ka qalin jabisay ayaa waxa ay ahaayeen N/hurayaal lagu soo xulay dhamaanba shuruudaha qofka caafimaadka baranaya looga baahanyahay, iyadoo Imtixaankii qalin jabintana ay dhamaan ardaydu ku guulaysteen dhibco aad u sareeya. Xidhitaankii xaflada ka dib waxa ay dhakhaatiirtaasi guda galeen shaqooyinkii loogu talo galay iyadoo dhakhtar kastana uu u jahaystay goobtii loogu talo galay inuu ka shaqeeyo.

waaxda caafimaadka ee CWXO oo leh diyaar garaw aad u sareeya ayaa waxaa ka go'an in ay buuxiso kaalinka caafimaad ee Ogadenya, iyadoo waaxdu ku guulaysatay in ay abuurto macalimiin gudaha ogadenya ku sugan oo khibrad u leh caafimaadka iyo baritaankiisa, waxaa kaloo ay waaxda caafimaadka ee CWXO ku guulaysatay dhamaanba adeegyada caafimaad ee xiligan loo baahanyahay.

Guusha shacbiga Ogadenyaa iska leh.

ONA
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: ONLF Medical Gratuates Wishing to Work in Ogadenia

Post by ina aadan »

Mansha-alaah:

Ciidanku say isu dhayilahayeen inay baryaan, waa Mansha-alaah.
Wax barashadu waa furaha nolosha
Oxidant
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3239
Joined: Tue Dec 04, 2007 5:52 am

Re: ONLF Medical Gratuates Wishing to Work in Ogadenia

Post by Oxidant »

English please? and more detail please
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: ONLF Medical Gratuates Wishing to Work in Ogadenia

Post by Shift »

From the ground up aproach :up:
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: ONLF Medical Gratuates Wishing to Work in Ogadenia

Post by ina aadan »

Oxidant wrote:English please? and more detail please
Sory me no igiliish.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”