FRIDAY, 28 JANUARY 2011
Burco(Togdhnews)-Ciidan iyo gaadiid Tikniko oo ka soo goostay Maamulgoboleedka Puntland ayaa maanta
isuku soo dhiibay ciidamada Qaranka Somaliland ee jiida hore.Sida Saraakiil ku sugan Jiida hore oo ka tirsan Ciidanka Qaranku u cadeeyeen TogdheerNews,waxay Sheegeen in laba gaadhi oo tikniko ah oo ay saaran yihiin Qoryaha loo yaqaan Dhashiikaha iyo Lixdan askari ay soo gaadhaan
ciidanka Qaranka Jiida hore,kuwaas oo ka soo goostay Maamulka Puntland.Ciiadamadan oo degaan ahaan ka soo jeeda Degaanka Gobolka Sool,ayaa maanta Qado loogu sameeyay Magaalada Adhicadeeye ee ka tirsan Gobolka Sool.
ma aha markii u horeysay ee ciidamo noocan oo kala ahi ay isku soo dhiibaan ciidanka qaranka somaliland.
good news

