Madax-dhaqmeed Taageeray Ugaaska Beelaha Sacad Muuse Jilba-dhige Oo Dhawaan Lagu Caleemo Saaray Lughaya + SAWIRO
Gabiley (HWN):- Xaflad ballaadhan oo ay isgu yimaadeen Salaadiin, Cuqaal, Masuuliyiinta Qaranka iyo Wax-garad kale oo maanta lagu qabtay Gabiley ayaa lagu muujiyey sida aan loogu kala hadhin taageerada Ibraahim Jaamac Maxamed (Jilba-dhige)
Gabiley (HWN):- Xaflad ballaadhan oo ay isgu yimaadeen Salaadiin, Cuqaal, Masuuliyiinta Qaranka iyo Wax-garad kale oo maanta lagu qabtay Gabiley ayaa lagu muujiyey sida aan loogu kala hadhin taageerada Ibraahim Jaamac Maxamed (Jilba-dhige) oo dhawaan loo caleemo saaray inuu noqdo Ugaaska beelaha Sacad Muuse.
Madashii xafladda oo ahayd Ceel-ganiiseed oo ka tirsan Gabiley ayaa waxaa ka hadlay qaar ka tirsan madax dhaqmeedkii soo qaban-qaabiyey hawshan, waxaanay sheegeen inay si wayn u taageersanyihiin Ugaasnimada Ibraahim Jilba-dhige. Waxaanay carrabka ku dhufteen in xukuumadda Somaliland aanay kasoo horjeedin in Ibraahim Jilba-dhige uu noqdo Ugaaska guud ee beelaha degaanka Hargeysa. Iyagoo bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay xoojiiyaan xasiloonida ka jirta dalka.
Ugu dambayntiina waxaa madasha soo af-meeray Ugaas Ibraahim Jaamac Maxamed (Jilba-dhige), waxaanu mahad-naq ballaadhan u soo jeediyey Madax-dhaqmeedkii iyo Masuuliyiintii halkaa isugu timi, isagoo midnimo iyo wada jir ugu baaqay umada reer Samaliland.
Ugaas Ibraahim Jilba-dhige ayaa 15/1/2011-ka lagu caleemo saaray Degmada Lughaya, waxaanu caleemo saarkaasi ahaa mid si balaadhan looga qayb-glay oo la isku arkay hadii ay noqoto madax-dhaqmeed, Masuuliyiin, Siyaasiyiin iyo Waxgaradka kale ee bulshada.
C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abuhurayra)



http://www.hadhwanaagnews.com/