PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
juzme123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1653
Joined: Thu Dec 16, 2010 3:50 pm

PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Post by juzme123 »

Puntland waa isaga baxne ‘Odayaasha kasoo jeeda Puntland

Puntland waa isaga baxne ‘Odayaasha kasoo jeeda Puntland. Odayaal iyo wax garad kasoojeeda diganada oo kataliyo maamul goboleedka puntland iyagoo shegay in gabi ahan isaga baxeyn maamulkaas iyago kudhalaceeye in hareesey wax qabad la aan

Mid kamid ah odayaasha kasoo jeeda degaanka Puntaldn qaasatan degnaanka Bargaal Caluula aya shegay in kabaxeyn maamulkaas isla markaa maalmihi ugu danbeesay wadeen shirar oga shirayan aayahooda si danahooda gaarka u qabsadaan.

C/rashiid ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in Maamulka Puntland ay iyagu wax ka dhiseen, wuxuuna ku sababeeyay ka bixitaanka Maamulkaasi ka qeygalkii Madaxweynaha Maamulka Puntland uu kaga qeybgalay shirkii kusoo idlaaday Nairobi, kaasi oo uu tilmaamay in aan wax dan ah ugu jirin Umadda Soomaaliyeed, isagoo tibaaxay in shir waliba oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya ay wanaagsantahay in lagu qabto dalka gudahiisa.

Waxgaradkaasi ayaa sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay Maamulka Puntland in uusan wax horumar ah gaarsiin deegaanada Bargaal iyo Caluula oo ay kasoo jeedaan Odayaashaasi.

Ugu dambeyn Carshiid Max’ed Yuusuf oo ku hadlayay magaca Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa waxaa uu ugu baaqay Maamulka Puntland in aan faraha lasoo galin shirarka ay yeelanayaan Odayaasha islamarkaana aysan dhibaato ka dhex abuurin Maaamulka Puntland Maamulkaasi.

http://www.badweyn.com/04/puntland-waa- ... top-news0/

http://dhalintatv.com/?p=3237

http://www.hillaac.net/?p=807

http://goboladaradio.com/?p=7562
Last edited by juzme123 on Mon Apr 18, 2011 10:38 am, edited 1 time in total.
User avatar
juzme123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1653
Joined: Thu Dec 16, 2010 3:50 pm

Re: PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Post by juzme123 »

It seems this guy has something to do with it
quote]
Prof Laasarooni oo Loosoo wareejiyay Xabsiga Magaalada Garoowe

Image

Wararka naga soo gaaraya magaalada garoowe ayaa sheegaya in Prof laasarooni oo maalmahan ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada kalkacyo loosoo wareejiyay magaalada garoowe.

Warar hordhac ayaa sheegaya in dadwaynaha ku dhaqan gobalka raascasayr ee u kasoo jeedo prof laasarooni ay damacsanyihiin in ay ku dhawaaqaan maamul gaar ah oo ka madaxbanan puntland.

Maamulka faroole ayaa aqoonyahanada kasoo jeeda dageenka raascasayr mudooyinkan ku hayay faquuq iyo in laga qaado xoriyadooda sabab la,aan.

bishii 8aad sanadkii hore ayay aheed markii eng.cabdifataax jaamac mire lagu xirey magaalada boosaso
.

Saraakiil ka tirsan puntland waxay sheegeen in laasarooni uu u xiranyahay madaxtooyada puntland.

wararka qaar ayaa sheegaya in wiilka uu dhalay madaxwaynaha faroole uu bixiyay amarka lagu xirey laasarooni.

hayadaha qaramada midoobay ayaa arintan soo faragashay yagoo ugu baaqay maamulka garoowe in uu si sharuud la,aan ah kusii daayaan laasarooni.

[[/quote]

Soo Faroole is targeting aqoonyahanka reer Raascasayr State :down:
Last edited by juzme123 on Mon Apr 18, 2011 10:06 am, edited 1 time in total.
User avatar
juzme123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1653
Joined: Thu Dec 16, 2010 3:50 pm

Re: PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Post by juzme123 »

Raascasayr State oo lagu dhawaaqay

Gudiga Siyaasada Gobolka Raascasayr ayaa ku dhawaaqay Maamul goboleedka Raascasayr State .

Image

Maalinti shalayto ahayd ayay gudiga siyaasada iyo gudiga horumarinta gobolku ku dhawaaqeen in deegaanadaasu yeelanayaan maanta laga bilaabo Maamul cusub oo loogu magac daray Raascasayr State .

Deegaanadaan ayaa horay u ahaa deegaano toostaga Maamul goboleedka Puntland .
Banaan bax lagu taageeraayo Raascasayr State oo ka dhacay Caluula

Image

Shacabka ku dhaqan Magaalada Caluula ee caasumada gobolka Raascasayr ayaa maanta isugu soo baxay Banaan bax ay ku soo dhowaynayaan Maamulka cusub ee shalayto laga dhawaaqay deegaanadaas .

Shacabka ayaa waxay isu soo baxaan ka dhigeen fagaaraha wayn ee xarunta Madaxtooyada Raascasayr State ee magaalada Caluula .

Shacabka ayaa ahaa kuwo shucuur aad u sarayso waxayna wateen boorar ay ku qoran tahay Raascasayr State .

Mid ka mid ah dadki soo agaasimay isu soo baxaan oo aan wax ka waydiinay sida uu u arko Maamulka Cusub ee deegaanada gObolka Raascasayr Yeelanayaan ayuu yiri ” waan ku faraxsanahay waana soo dhowaynayanaa waxaana la garab taaganahay hiil iyo hoo waxaana u rajaynayanaa madaxga Maamulka kuwo horumarkeena “

Ciimada amaanka ayaa dhex joogay isu soo baxayaasha ,banaan baxaan lagu taageeraayo maamulka Cusub ayaa si jawi wanaagsan ah ku soo dhamaaday .
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Post by damu »

Beesha Siwaakhroon Waxay isugu timi Shirwayne guud oo Taariikhi ah , Shirkaa oo Qabsoomay 10/3/2011 Dhamaadayna 15/3/2011 Kana Dhacay Degmada Baargaal , Shirkaa Waxaa Ka soo qayb galay Beeldaajaha calbari iyo Dhamaan Salaadiinta iyo nabadoonada , Siyaasiyiinta , Aqoonyahanada , Ganacsatada , Qurbojoogta, Haweenka, Dhalinyarada, iyo ururada Bulshada ee beesha siwaakhroon ee Degaamada Calbari iyo Laaso Surad.


Bidix Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Suldaan Siciid Cali


Kadib markii dhinacyo badan laga eegay dhibaatooyinka ka jira ee ragaadiyay degaamada iyo baahida loo qabo maamul hanta arimahooda Dhaqan dhaqaale , Bulsho , Siyaasadeed,iyo amniba, wadatashi iyo falanqayn dheer kadib waxaa laysku raacay Go’aamada soo socda :

1.In midnimada Puntland lawada ilaaliyo , jiritaankeeduna yahay mid muqudas ah
2.In maamul tayo leh oo wax ku ool ah loo dhiso degaanda Calbari iyo Laasosurad Si ay wax uga qabtaan arimaha dhaqan dhaqaale, siyaasadeed,bulsho,iyo amaanka degaanada.
3.In la dhiso Gobol Ka Kooban 7 degmo iyo 73 tuullo oo Lagu magacaabo Ras Casayr kasoo Loo Gudbiyay 2003 dii maamul Goboleedka Puntland marar badana Lagala hadlay arimahaas .
4.In bulshaweynta degta degaanada calbari iyo laasosurad ka helaan xuquuda ay ku leeyihiin Puntland Ha ahaato arimaha siyaasada , bulshada, sugida amaanka , iyo shaqo siinta .
5.In maamulka Puntland uu dhowro kana fogaado wax allaale wixii khalkhal gelinaya nabadgelyada iyo wada noolaanshaha beelaha walaalaha ah ee wada degan degaanka sida degmada baargaal.
6.In degmooyinka Baargaal iyo Caluule ay ka tirsanyihiin 96 dii degmo ee ka jiray Soomaaliya burburka ka hor islamarkaana laga aqoonsanyahay dawlada Soomaaliya iyo Puntlandba, ilaalinta Xudduudahooduna ay yihiin arrin muqaddas ah oo aan gorgortan lahayn.
7.in Guud ahaan ummadda soomaaliyeed ay ku noolaato nabad iyo walaalnimo si loo soo celiyo karaamadii iyo qaranimadii Soomaaliya, lana joojiyo colaadaha ka aloosan soomaaliya , wixii khilaaf ahna lagu dhameeyo isfahan iyo wadahadal
8.In uu joojiyo dagaalada uu ka hurinayo maamulka Siilaanyo Gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn gaar ahaan degaanka Kalshaale .
9.In la joojiyo dagaalada ka dhexeeya beelaha walaalaha ee wada dega Puntland , Khilaafka jirana lagu dhameeyo si nabadgalyo ah oo daacadnimo iyo cadaalad ku dhisan
10.In laga hortago lana joojiyo dilalka qorshaysan ee ka taagan magaalooyinka waawayn ee degaanada Puntland sida Galkacayo iyo Boosaaso.
11.In lago hortago lalana dagaalamo dhamaan burcadbadeeda noocay tahayba iyo meelay joogtaba
12.In laga hortago lalana dagaalamo maraakiibta xaalufisa badaha kuwaas oo sida sharcidarada ah u xaalufisa badaha kuna andacooda inay haystaan sharciyo balse been abuur ah.
13.In la joojiyo Xaalufinta degaanada sida dhirta iyo dabargoynta ugaarta.
14.In la joojiyo wasakhaynta bad iyo bariba lagu hayo degaanada Soomaaliya.
15.Waxaanu Ka codsanaynaa Hay’adaha Dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn inay nagala qaybqaataan dib u dhiska iyo horumarinta degaankan la illaaway ee u baahan kaalmo degdeg ah waxaana diyaar u nahay in aanu sugno nabadgalyadooda iyo hantidooda .
16.waxaanu ka codsanaynaa Dawlada Puntland , Hay’adaha caalamiga , sida UN , Jaamacada Carabta , EU , AU , iyo ururada islaamka inay ka qaybqaataan abaaraha ka taagan Soomaaliya gaar ahaan degaanada Ras Casayr.
17.Waxaanu soo dhawaynaynaa ciddii Danaynaysa inay maalgashato Degaanka
18.Waxaanu Ku boorinaynaa Qurbo joogta degaamadan u dhashay inay ka qayb Qaataan dhismaha maamulka , dib u dhiska iyo horumarinta degaamadan kor ku soo xusnay .
User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Post by tightrope »

:lol:
User avatar
juzme123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1653
Joined: Thu Dec 16, 2010 3:50 pm

Re: PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Post by juzme123 »

Having done some diggin I have found out a lot about this new maamul. It has been in the planning stages for a while. The diapora of Raascasyr State has been holding meetings and shirs.

The Puntland Governemnt had been aware of their intentions to declare a state and has tried to counter act this by imprisoning the leaders and knowledgeable people from that state.

The declaration of this new state has been supported by the inhabitants of raascasyr state as wel as its diaspora, this is suggested by the demonstrations on the ground as well as the shir's inside the state and by the diapora.

Below is an article published in november 2010:
Maamul ka madax banaan Puntland oo laga dhisay Raas-caseyr ka dib kulan ka dhacay Sweden

November 3, 2010 Markacadeey

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen qurba joogta ka soo jeeda Deegaanka Raascaseyr ee cirifka bari Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Västarås ee Wadanka Sweden, waxaana ka qeybgalayaasha shirka ay isaga yimaadeen dunida dacaladeeda.

Ujeedada shirkan ayaa waxa ay aheyd sidii sidii looga tashan lahaa aayaha dambe ee Raas Caseyr, maadaama sida ay sheegeen ka qeybgalayaasha shirka, Puntland aysan la imaan doorkii kaga aadanaa gaarsiinta adeegyada lagama maarmaanka ah sida Caafimaadka, Waxbarashada, IWM, taasina waxa ay keentay in shirweynahan oo socday mudo sedex maalmood ah looga dhawaaqo maamul gooni ah balse aanan ka go’in Puntland.

Shirweynahan waxa ay ku dhiseen hanaanka maamulkaas iyo qeybihiisa kala duwan, waxa ayna gunaanadkii shirkaasi la ansixiyey miisaanad dhaqaale si maamulkaasi u taabo galo, iyada oo intuu shirka socdayna la arkayey telfoono dhowr ah oo ka soo dhacayey wadamo kala duwan kuwaas oo hambalyo laga soo diraayey.

Faarax Dooxa Joog horay ay ahaa wasirkii ganacsiga Puntland ayaa sheegay in ay ahaayeen dadkii aas-aasay Puntland hase yeeshee xuquuqdii deegaankaasi uu maamulka ku lahaa ay waayeen sidaasi daraadeedna ay go’aansadeen ina y maamul goonia h dhistaan, isaga oo carabka ku adkeeyey in aysan jirin walwal ay ka qabaan caqabad kaga timaado Puntland.

Faarax Fuuqsade oo isagana dhawaan isku soo sharaxay Xilka R/wasaaraha Soomaaliya kana qeybgalay shirkii Raascaseyr ayaa sheegay in gobalkaasi ay u dhaqaaqeen horumarintiisa, waxa uuna ugu baaqay dhamaan qurba joogta ka soo jeeda gobalkaasi in ay kaalintooda qaataan.

Qodobadii shirkaasi ka soo baxay oo ka koobnaa dhowr iyo toban qodob ayaa waxaa gunaanadkii shiraasi aqriyey Barre Farax iyo Maxamed Cawil, iyada oo tix buraanbur ahna ay qadka telfoonka ka qaaday Ruun dooxa joog oo ka soo wacday shirweynaha Magaalada Boosaaso.

Shirweynahan ayaa si weyn loogu cambaareeyey xariga Agaasimahah Horseed Media oo mudo xarig lix sano ah ay puntland ku xukuntay, waxa ayna sheegeen in uu yahay xaqdaro xariga wariyahaasi, iyaga oo codsaday in la sii daayo lana siiyo magdhaw maadaama aysan jirin wax sharci ah oo lagu heysto, waxaa sidaasi yiri Axmed Saleemaan Cawad, oo dhinaca kale soo qaadanayey dastuurka Puntland ee xeerarka Saxaafada.

Sahro Xaaji Xalwo iyo Najmo Muuse oo ka mid ahaa haweenkii shirkaasi ka qeybgalay ayaa iyagana muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin maamulka cusub ee deegaankooda loo sameeyey.

ugu dambeyntii shirkaasi oo lagu daawaday filim laga soo duubay Deegaanka Raascaseyr oo ka hadlayey barwaaqada illaahey ku maneystay iyo sida loo waayey daryeelkii uu deegaankaasi mudnaa.
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Post by damu »

have done some diggin kulaha :lol: :lol: :lol:

i know the dude behind the whole scam he lives right here in sweden
the good ppl of caseyr just had huge meeting this year in the homeland
why dont you dig into that :mrgreen:

viewtopic.php?f=246&t=272036



p.s the picture of the socalled demostration is from the caleemo saar of the beeldaje :mrgreen:
Last edited by damu on Mon Apr 18, 2011 11:35 am, edited 2 times in total.
User avatar
juzme123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1653
Joined: Thu Dec 16, 2010 3:50 pm

Re: PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Post by juzme123 »

So your saying that this movement for Raascasyr State is non-existent/will not succeed ?
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Post by damu »

dude do you know the name of the clan living in that area?
User avatar
juzme123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1653
Joined: Thu Dec 16, 2010 3:50 pm

Re: PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Post by juzme123 »

What's your point ?
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Post by damu »

its as real as this
viewtopic.php?f=245&t=274532

:lol:
User avatar
juzme123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1653
Joined: Thu Dec 16, 2010 3:50 pm

Re: PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Post by juzme123 »

Maybe, we'll have to wait and see.
User avatar
juzme123
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1653
Joined: Thu Dec 16, 2010 3:50 pm

Re: PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Post by juzme123 »

damu wrote:dude do you know the name of the clan living in that area?
Are you saying that they are too small to do anything ?
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Post by damu »

:lol: :lol: :lol: :lol:

you thought you hit a gold mine :mrgreen:
here is the real shir that took place in baargaal!!

Image

http://horseedmedia.net/2011/03/12/beel ... -baargaal/
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: PL Elders of Caluula,Bargaal announce: Raascasyr State

Post by damu »

juzme123 wrote:
damu wrote:dude do you know the name of the clan living in that area?
Are you saying that they are too small to do anything ?
dont twist my words :evil:
that clan is a very noble one :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”