
Madaxwaynaha SSC Saleeban Ciise Axmed Oo Safaaxada SSC Siiyay Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya(Daawo).
airobi(Allssc): Madaxwaynaha SSC Saleeban Ciise Axmed (Xaglo.toosiye) oo siiyay warbaahinta SSC waraysigan ayaa ahaa mid dhinacyo badan taabanayay .
Madaxweynuhu waxaa uu ka warbixiyay shirkii khaatumo ee dhawaan ka dhacay wadanka Uk shirkaas oo ay iskugu yimaadeen aqoonyahanada ka soo kala jeeda deegaanada SSC iyagoo kaga tashanayay sidoo wax looga qaban lahaa xaalada ka dhextaagan maamulka SSC iyo in dib loo soo cesho dalka maqan
Sidoo kale waxaa uu ka xog waramay khilaafkii la soo afjaray ee u dhaxeeyay maamulka SSC USUM Kaafi waxaane uu sheegay in uu ku dhamaaday guul iyo gunaanad wacan .
Waxaa kale oo uu sheegay madaxweynuhu socdaalkooda iyo kulamo ay la qaateen gudiga jaaliyada Nairobi sidoo kalane waxaa uu sheegay in ay u gudbayaan dalka gudihiisa isagoo talo siiyay shacbiga reer SSC
Halkankan hoose ku dhufo si aad u daawato vedioga aan ka soo duubnay madaxweynaha SSC
Waxaa si wada jir ah u waraysanayo Cabdiwahaab Maxamed Cabdiweyne Iyo Saleebaan Xaashi Dheere.
Cabdiwahaab Mohamed Cabdiweyne
Allssc Office Nairobi Kenya
