War Deg Deg ah: Faysal Cali Waraabe Iyo Taageerayaal Uu Hogaaminayo Oo Saaka Mudaharaad Balaadhan ka Hor Dhigay Xarunta Xibiga, Iyo Ciidamada SPU-da Oo Gacanta Ku Haya Xarunta.
Hargeysa (Ramaas) July 30, 2011 – Waxa saaka Mudaharaad balaadhan ka hor dhigay xarunta xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa taageerayaasha garabka Faysal Cali Waraabe oo wata baabuurta basaska.
Mudaharaadayaash oo uu hor kacayo Faysal Cali Waraabe ayaa saaka abaaro 10kii subaxnimo yimi xarunta xisbiga oo ay gacanta hayaan ciidamada SPU-da. Sida uu noogu soo waramayo wariyahayga Maxamed Boosh oo ku sugan goobta mudaharaadka ciidamada SPU-da ayaa rasaas kor ugu riday mudaharaadayaasha kadib marki ay isku dayeen inay xoog ku galaan xarunta xisbiga oo ay dawladu gacanta ku hayso ilaa inta ay labada garab sharciga kusoo kala baxayaan.
Dhawaaqa rasaasta ciidamada ayaa dadwaynuhu maqlayaan, waxaanu warku intaas ku daray in mar danbe uu badhasaabka gobolka Maroodi-Jeex uu goobta ka kaxeeyay Faysal Cali waraabe, si loo sugo amaankiisa. Sida uu noo xaqiijiyay wariye Boosh waxa ciidamadu xidh-xidheen dad gaadhayaa ilaa tobaneeyo qof oo kamid ah mudaharaadayaasha doonayay inay xarunta ku galaan xoog.
Waxa sidoo kale dhagaxaan lagu jaray wadada wadnaha ee hor marta xarunta xibsiga. Kala soco Ramaasnews wararka ka soo kordha dhacdadan.
Somaliland : UCID protests in the Capital city of Hargeysa
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 1389 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 0 Replies
- 580 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 4 Replies
- 726 Views
-
Last post by Saraxnow
-
- 4 Replies
- 1389 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 5 Replies
- 1518 Views
-
Last post by ramzy2277
-
- 0 Replies
- 1043 Views
-
Last post by ramzy2277
-
- 4 Replies
- 721 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 20 Replies
- 1077 Views
-
Last post by AbdiWahab252
