
Axad, July 31, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan kula yeeshay dalka Jabuuti dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana kulankaas oo ka dhacay Madaxtooyada Jabuuti ay uga hadleen xaaladaha ammaanka iyo midda siyaasadda ee dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ay ka mid yihiin: wasiirka arrimaha dibadda, wasiirada arrimaha haweenka iyo qoyska, wasiirkii hore ee maaliyada iyo lacata iyo wasiirkii hore ee howlaha guud iyo dib-u-dhiska.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in madaxweyne Sheekh Shariif uuy wado dadaallo ku wajahan sidii wax loogu qaban lahaa abaaraha iyo colaadaha is-biirsaday ee ka jira Soomaaliya.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ka warbixiyay xaaladda ammaanka ee Soomaaliya iyo dagaalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay, isagoo u sheegay dhiggiisa dalka Jabuuti in howlaha ammaanku ay dib u bilowdeen ayna isku dayayaan inay ka saaraan Xarrakada Al-shabaab guud ahaan dalka.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu uga mahadceliyay madaxda dalka Jabuuti is-garab-taagga ay had iyo jeer u muujiyaan walaalahooda Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliya.

