Oh, No Will Hutuking Shift His Support

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Oh, No Will Hutuking Shift His Support

Post by AbdiWahab252 »

Wadahadallo muddo dheer socday oo ugu dambeyn ay Al-shabaab iyo Beesha Cayr ku kala saxiixdeen heshiis

Arbaco, November 02, 2011 (HOL) — Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ka dhacday deegaanka siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ayay heshiis ku kala saxiixdeen Xarakada Al-Shabaab iyo beesha Cayr oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.

Xafladdan ayaa gabagabo u ahayd heshiis iyo wada-hadal muddo sideed bilood ah u socday Al-shabaab iyo beesha Cayr, kaasoo lagu xallinayay mad-madow iyo xur-guf ka dhex-jirtay labada dhinac, gabagabadii xafladda ayaa kulanka laga soo saaray go’aano iyo qodobbo dhowr ah oo ay labada dhinac isku raaceen.

Goobta lagu qabtay munaasabada waxaa xaadir ku ahaa mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Al-Shabaab, salaadiin, nabadoonno iyo waxgarad ka kala socday beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Qodobada ay labada dhinac kuwada hishiiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa :

Ku dhaqanka iyo hirgelinta shareecada Islamka.
In si wadajir ah loo difaaco diinta islamka, lagana hortago cid walba oo dalka kusoo xadgudubta.
In wixii mad-madow ka-dhasho la hubiyo, wixii is-faham-darro ahna loo bandhigo shareecada islaamka iyo qodobbo kale oo dhammaan waafaqsan sharciga islamka.

Ugaaska Beesha Cayr, Ugaas Cabdi-daahir Ugaas Nuur oo ka mid ahaa dadkii munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in beesha Cayr ay ka mid tahay beelaha degan dhulka ay Xarakaddu maamusho isagoo intaas ku daray inay dadaal dheer u galeen sidii heshiiskaan loo abuuri lahaa kaddibna looga mira-dhalin lahaa, taasoo uu sheegay inay tahay mas'uuliyad saaran Xarakada iyo beesha, isagoo ugu baaqay cid walba oo beesha ku abtirsata inay hishiiskaas la qaadato.

Madaxa siyaasadda iyo xiriirka gobollada Xarakada Al-shabaab, Sheekh Xuseen Cali Fiidoow oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay dhankooda ka adkayn doonaan wixii qodobbo ah oo heshiiska ku qoran, sidoo kale Sheekh Xasan Daahir Aways oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab oo ayaa isaguna sheegay in waddanku uu maanta xaalad adag ku jiro, taariikhduna ay qori doonto cid walba iyo mowqifka ay maanta qaadato.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-Shabaab ay hishiisyo noocan oo kale ah la gasho qaar ka tirsan beelaha Soomaaliyeed, iyagoo arrintaas ku macnaysay inay ku dadaalayaan sidii ay awoodda Soomaalida oo dhan iyo aragtidooda meel isugu keeni lahaayeen si la isaga kaashado dagaalka ay kula jirto ciidamada dalka ku sugan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Oh, No Will Hutuking Shift His Support

Post by AhlulbaytSoldier »

There is no heshiis with shabab.
This was pathetic attempt by them.
Anyone knows that the real power of cayt today is in galgaduud. Ahlu cayt wal hg will never sign peace with the killers.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Oh, No Will Hutuking Shift His Support

Post by AbdiWahab252 »

What has overcome our Ugaas ? Is he being held hostage ?
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Oh, No Will Hutuking Shift His Support

Post by AhlulbaytSoldier »

Those in ceelasha biyaha are just sheeps.
No one can speak against khawaarijta except that he loses his head.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Oh, No Will Hutuking Shift His Support

Post by AhlulbaytSoldier »

This fake heshiis has been rejected by the real leaders of Cayr:
Waxgarad ka soo jeeda Beesha
Ceyr oo ka soo horjeestay
Heshiiskii Al-Shabaab
Waxgarad iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha Ceyr
ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiis
shalay deegaanka Ceelasha Biyaha ku gaareen
Beesha iyo Xarakada Al-Shabaab .
Kulan ay la qaateen waxgaradka beeshaas
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka
ayay ku qaadaceen kulankii shalay oo lagu
saxiixay heshiis dhowr qodob ka kooban oo ay
wada gaareen Odayaal Beesha Ceyr ka socday
oo fikrad ahaan taageersan Shabaab iyo
Saraakiil ka tirsan Shabaab.
Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ka mid ah Beesha
Ceyr ayaa saluugay heshiiskaas, isagoo si cad u
sheegay in Shabaab iyo Ceyr uu dagaal ka
dhaxeeyo, isla markaana horay Shabaab ugu
soo duushay deegaanada Beesha Ceyr.
“Anigoo ah Caaqil Xasan Cilmi Yaxye waxaan
sheegayaa in heshiiskaas uusan waxba ka jirin,
Beesha Ceyr uu dagaal dhex maray Shabaab, 7-
jeer ayay soo weerareen deegaanada Guriceel
iyo Galgaduud, 32- Ganacsato beesha dalka waa
ka qaxiyeen, sideed ganacsato surka ayay ka
gooyeen, 7- saraakiilna waa dileen, marka sidee
heshiis inoo dhex mari karaa”ayuu yiri Caaqil
Xasan Cilmi Yaxye.
Mid ka mid ah Odayaasha Shabaab ay ku xuseen
liiska ragga goob jooga ka ahaa Heshiiskii shalay
ayaa si lama filaan uga soo muuqday kulanka
Odayaasha Beesha Ceyr la qaateen Wasiirka
Arrimaha Gudaha C/samad Macalin Maxamuud,
waxaana Nabadoonkan lagu magacaabaa Xaashi
Cali Kulane oo loo yaqaano Xaashi Dhigif.
“Dadka ay ka been sheegeen Shabaab ee ay
laheyd Odayaal baa ka jooga Beesha hada
waxaa nala fadhiya Xaashi Dhigif, sidoo kale
Nabadoon Seylac wuxuu joogaa Guriceel, marka
dadka meesha jooga ee ka mid ahaa ina Cabdi
Dahir, ugaas ma ahan waa shaqsi, horayna
Xisbul Islaam ayuu ka tirsanaa hadana
Shabaab”ayuu si kulul u yiri Caaqil Xasan Cilmi
Yaxye.
Sidoo kale Caaqilku waxaa uu sheegay in
Saraakiil Shabaab ka tirsan oo Beesha Ceyr ka
soo jeeda, isla markaana horay ugu hogaamiyay
deegaanadii ay ku duuleen aan la cafin, taasna
uu ku tilmaamay mid muujineysa dagaalka
Beesha kala dhaxeeya Shabaab.
Caaqilka ayaa sheegay hadalkii ka soo yeeray
Xasan Dahir uu ahaa mid uu inta hartay
dhalinyarada Beesha ugu dagaal wacayay,
isagoo intaa ku daray inuu is leeyahay in Xasan
Dahir beryahan ay dagaalada wax u dhimeen oo
ugala jeeday inuu ku qafiifay.
Imaamka Beelaha H/gidir Iimaan C/llaahi
Rooble oo isna hadlay ayaa sheegay in isaga uu
Imaam u yahay beelaha H/gidir, isla markaana
aysan jirin Jufo ka mid ah Jufooyinka Beesha oo
la heshiisay Shabaab, isagoo wax laga yiq
yiqsado ku tilmaamay hadalo ka soo yeeray
Xasan Dahir.
Si kastaba ha ahaatee hadalkan ka soo yeeray
Beesha Ceyr ayaa ku soo beegmaya xilli shalay
Heshiis ku gaareen Saraakiil ka tirsan Shabaab,
iyadoo Xasan Dahir oo halkaas ka hadlay uu
sheegay in beesha mar walba lagu dhaliilo in
dhalinyarada aanay dagaalka qeyb ka aheyn,
hase ahaatee ay jiraan shaqsiyaad damiirkooda
siiyay inay dagaalada ka qeyb qaataan, si
hadafkooda uga mira dhaliyaan, isagoo isku
sifeeyay inuu hada isaga duqoobay.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”