Besha Gumbur put forward their man in Herer for the election

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Besha Gumbur put forward their man in Herer for the election

Post by Siciid85 »

Xaflada balaadhan Oo Loo qabtay Faysal Cabdiraxaam Oo isku Sharaxay Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Taageero Loo Fidiyay Ururka WADDANI
(Hadhwanaagnews) Wednesday, May 09, 2012
(HWN):-Beesha Gumbuur oo ka tirsana Beelaha Habaryoonis ayaa Faysal Cabdiraxmaan Xirsi u soo xushay inuu ka qayb galo Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa ee la filaayo inay sanadkan gudihiisa dhacdo, iyaga oo ka soo sharaxay Ururka WADDANI,

Hargeysa(HWN):-Beesha Gumbuur oo ka tirsana Beelaha Habaryoonis ayaa Faysal Cabdiraxmaan Xirsi u soo xushay inuu ka qayb galo Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa ee la filaayo inay sanadkan gudihiisa dhacdo, iyaga oo ka soo sharaxay Ururka WADDANI, isla markaasna waxay sheegeen ina Beeshu taageero buuxda u fidisay Ururka WADDANI.

Xaflad balaadhan loogu qabtay Hotel kaah ee magalada Hargeysa, waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Ururka WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi, musharax Faysal Cabdiraxmaan Xirsi, Cuqaal, wax garad iyo dhalinyaro ka soo jeeda Beesha Gunbuur oo ka mid ah Beelaha Habaryoonis.

Waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay Xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi oo ka tirsan Golaha Wakiilada, waxaanu faahfaahin ka bixiyay ujeeda xafladaas “Xafladani waa xaflada lagu soo bandhigaayo taageerada Beeshu u hayso Ururka WADDANI iyo soo bandhigida Musharaxa Golaha Deegaanka uga qayb galaaya Beesha oo ah Faysal Cabdiraxmaan Cabdilaahi, reerkuna waa isku raacay, waxanan idin sheegayaa in markaanu eegay danta reerka iyo mustaqbalkiisaba waxaanu garanay inaanu taageero siino Ururka WADDANI, isla markaasna aanu ka sharaxno musharaxaha Golaha Deegaanka.”

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Caaqil Axmed Xirsi Xandule (Daarood) oo sheegay sida uu ugu faraxsan yahay isku duubinda ay muujisay Beesha uu Caaqilka u yahay “Waxaanu isla garanay inaanu taageerno Ururka WADDANI, kaas oo dadka Somaliland ku wada jiraan, sidoo kale waxaan Ururka u sheegayaa in reerka 95% uu Ururka taageersan yahay, reerka aan caaqilka u ahayna ma kala hadlaan ee taasna ogaada, oo hadaanu meel isku raacno waanu isku raacnay.”

Cali Maxamed Xasan (Nabadiid) oo ka tirsan Ganacsatada Somaliland isla karaasna ka soo jeeda Beesha soo bandhigtay taareeda iyo musharaca Golaha Deegaanka oo isugana halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday talada iyo wada tashiga ay ka yeesheen Musharaxa ay soo bandhigeen iyo taageerada ay siiyeen Ururka WADDANI “Xafladani waa mid la isku raacsan yahay oo reerku isla garteen inay taageero siiyaan Ururka WADDANI isla markaasna ninkaas dhalinyarada ah u soo xulaan inuu noqdo Musharaxa Golaha Deegaanka Hargeysa oo aan u rajaynaayo inuu guulaysto insha Allah.” Sidaas ayuu yidhi MD Nabadiid

Sidoo kale waxaa xafladaas ka hadlay Axmed Yasiin Gaba-xadi oo ka mid ah odayaasha sida weyn looga yaqaano Somaliland, waxaanu halkaas ku soo bandhigay taariikh dheer oo dhinacyo badan taabanaysa “Maanta reerku halkan waa ku dhan yahay, waxaana talo badan dabadeed la gartay in halkan (Ururka WADDANI) uu reero iskugu biyo shubto, waxanan idinku dar-daarmayaa inaad wada jirta ilaalisaan.”

Ugu dambayntii waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Ururka WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada MD Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaanu u mahad naqay Beesha soo qaban qaabisay xafladaas “Waxaan Beesha (Gumbuur/Habaryoonis) uga mahadnaqaynaa taageerada buuxda ee baladhaan ee ay Ururka WADDANI siiyeen, ee weliba xildhibaankii Golaha Deegaanka uga sharaxayeen keeneen, waxaan kaloo hambalyaynaa mudanaha isa soo sharaxay, waxaan u rajaynayaa inuu dur-duro ku soo bixi doono insha ALLAH.

Sidoo kale waxaa xafladaas ka hadlay Xildhibaan Cali Xaaji Maxamed, Qaasim Soofe iyo Axmed Dhagaweel oo dhamaantood hambalyeeyay musharaxa Golaha Deegaanka isku soo taagay.

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

http://hadhwanaag.com/detail.aspx?id=65947
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Besha Gumbur put forward their man in Herer for the elec

Post by HooBariiska »

Gumbuur :up: :up: :sland:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Besha Gumbur put forward their man in Herer for the elec

Post by Siciid85 »

Image
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Besha Gumbur put forward their man in Herer for the elec

Post by Siciid85 »

Timo_Case wrote:Gumbuur :up: :up: :sland:

Aside from the native Isaaxaq. This upcoming elections i expect various candidates from the sub clans of other western HY such as Gumbuur, Ugaadh Cumaar, Cali Siciid, BD etc to also run in the Hargeysa region like last time since they started populating the area even more now and investing in the city itself.
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Besha Gumbur put forward their man in Herer for the elec

Post by Bohol iyo karaman »

guulaysta beesha Gunbuur :up: Guul for wadani,

waxa sido kale soo bandhigtay musharaxoodaa degmada Hargeysa Beesha Baha Ismaaciil HY :up: sido kale waxay cadeeyaan in aay sii buuxdaa uu taageeridoonaan ururka wadani, dhanka kale musharaxaa beesha ayaa hore ugaa tirsanaa kanaa mid ahaa aas'aasayaashii ururka kale ee umada haseyeeshee waa kaa soo wareegey markii beeshu sidaa go'aansatay, waa guul for wadani.

Faysal Cabdiraxmaan xirsi (gunbuur)Wadani,musharax Degmada Hargeysa
Cabdi Aw Siciid Xaaji Cawaal (Baha Ismail) Wadani, Musharax Degmada Hargeysa http://hadhwanaag.com/detail.aspx?id=65963
Cabdirisaaq Faarax Xasan (Qawdhan) (ISixaaq Care) Wadani, Musharax Degmada Hargeysa :up:
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Besha Gumbur put forward their man in Herer for the elec

Post by abdikarim86 »

There's a new way of electing for the local elections now.
10 years ago for the locals ...you voted for the party ...which then had a closed list
of candidates.

Now you directly vote for a person..better system :up:
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Besha Gumbur put forward their man in Herer for the elec

Post by Siciid85 »

Bohol iyo karaman wrote:guulaysta beesha Gunbuur :up: Guul for wadani,

waxa sido kale soo bandhigtay musharaxoodaa degmada Hargeysa Beesha Baha Ismaaciil HY :up: sido kale waxay cadeeyaan in aay sii buuxdaa uu taageeridoonaan ururka wadani, dhanka kale musharaxaa beesha ayaa hore ugaa tirsanaa kanaa mid ahaa aas'aasayaashii ururka kale ee umada haseyeeshee waa kaa soo wareegey markii beeshu sidaa go'aansatay, waa guul for wadani.

Faysal Cabdiraxmaan xirsi (gunbuur)Wadani,musharax Degmada Hargeysa
Cabdi Aw Siciid Xaaji Cawaal (Baha Ismail) Wadani, Musharax Degmada Hargeysa http://hadhwanaag.com/detail.aspx?id=65963
Cabdirisaaq Faarax Xasan (Qawdhan) (ISixaaq Care) Wadani, Musharax Degmada Hargeysa :up:

:up:
User avatar
abdikarim86
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12077
Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
Location: Bristol

Re: Besha Gumbur put forward their man in Herer for the elec

Post by abdikarim86 »

Heres some pictures for Beesha Baha Ismaaciil.

Image

Image
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Besha Gumbur put forward their man in Herer for the elec

Post by Siciid85 »

abdikarim86 wrote:Heres some pictures for Beesha Baha Ismaaciil.

Image

Image

:clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”