Ethiopia on the end after 7 rebel group meets.

MarsinQorahay
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3328
Joined: Tue Oct 30, 2012 8:34 am
Location: Hawd bartu geela ka daaqo.

Ethiopia on the end after 7 rebel group meets.

Post by MarsinQorahay »

Kullan ay isugu Yimaadeen Toddobo Jabhadood oo ku kacsan Xukumadda Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inuu dhacay Isbuucan wallow laga gaabsaday meesha uu ka dhacay Kullankaasi.

Illo-Wareegyo muhiim ah ayaa sheegay in Kullankaas ay ka mid ahaayeen Jabhadda ONLF ee u dirirta Gobanimo doonta Dhulka Soomaalidda Ogaadeeniya.

Ururada ku kulmay shirkan wada-tashiga ah ayaa la sheegay iny kala yihiin T.P.D.M, E.P.P.F, Ginbot 7, G.P.L.M, A.D.F.M, EJ.E.F iyo Ururka ONLF oo isaga ahaa ururkii ugu waynaa ururadii shirkaas ka soo qayb-galay.

Kullankaas ayaa la isku waydaarsaday Xaaladda Xukumadda Itoobiya iyo meesha ay marayso waxaana sidoo kalle hoosta laga xariiqay in Xukumadda Itoobiya hadda ku jirto Marxalad kala guur.

Illaha warkan ayaa sheegaya in kullankaas sidoo kalle lagu dahiyay habka oogu wanaagsan oo loo wadda shaqayn karro isla markaasna sarre loogu qaadi karo iskaashiga dhex mara Ururadda hubaysan ee Xukumadda Itoobiya ku kacsan.

Masuuliyiinta Ururaddan ayaa halkaas kaga waramay xaaladda Bini aadanimo ee Dowladda Itoobiya kula dhaqanto Dadka iyo sida ka baxsan Xuquuqda Aadamaha ee Dowladdu samayso.

Jabhadda ONLF ayaa waxaa kullankaas ooga qayb galay Muddane Maxamed Sheekh Axmed Dawiil isla markaasna goobta ka soo jeediyay haddal dheer oo ku saaban arrinata Ogaadeeniya iyo sida Gumaysiga uu oola dhaqmay.

Masuulka ONLF ayaa sheegay in Mowqifka Jabhadda ONLF tahay inay cid walba oo la dagaalansan Xukumadda Gumaysiga Itoobiya ay soo dhawaynayaan Iskaashigeeda isla markaasna is garab-san doonaan.

Kullankan ayay xukumadda Itoobiya la sheegay inuu ku hayo walaac xooggan Iyadoo og in Habkii EPRDF ku samaysan tay ay ahayd siddan Kaddib markii Ururadda Mucaaradka ah ku midoobeen hal dallad iskana kaashadeen dhanka Ciidanka Iyo xogta.

:blessed: waa la isku haysta wixii madaxdaa ka dhigay waa la isku haystaaa!!
User avatar
Substance
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3831
Joined: Sat Mar 24, 2012 5:56 pm
Location: Under The Neem Tree

Re: Ethiopia on the end after 7 rebel group meets.

Post by Substance »

:blessed:

ONLF should however not back down from their original goal. Inshallah Ogaden will be free soon.
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Ethiopia on the end after 7 rebel group meets.

Post by SahanGalbeed »

Neither friend or enemy , they're just called daarood , sorry I couldn't resist :lol:
User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Re: Ethiopia on the end after 7 rebel group meets.

Post by EEGA9 »

Excellent this has been in the works for a while, the immediate goal should be taking this government down. We have enough resources and allies to hold our own once the TPLF retreats or disintegrates.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”