Secessionist Terrorists whining again: this time over sky

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Secessionist Terrorists whining again: this time over sky

Post by AhlulbaytSoldier »

Xukuumadda Somaliland oo Wasiirka War-faafinta Dowladda Soomaaliya ku eedeysay inuu Jabiyay Heshiishkii Dhinaca Hawada
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inay Soomaaliya jabisay heshiishkii dhinaca hawadda ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliyo,isla markaana ka hadlay ka soo yeedhay wasiirka Warfaafinta iyo gaadiidka Cirka ee Soomaaliya C/laahi Ciilmooge oo sheegay inay hawadda Soomaaliya laga maamuli doonno magaaladda Muqdisho.

Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in hadalkaasi ka soo yeedhay xukuumadda Soomaaliya uu wax u dhimayo heshiishkii dhexmaray labada dhinaca, isla markaana aanu ogolaanayn wax burinaya heshiishkaasi hore.

“Waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay marna Somaliland aqbali doonin in hawadeeda laga maamulo Muqdisho, Qaramada midoobayna iyo cid kale toona aanan ka yeelayn in hawada dalkii la odhan jiray Soomaaliya loo maamulo sidii aanu ku heshiinay si aan ahayn,haddii wasiirka Duulista Soomaliya ay xukuumadiisuna kula socota hadalada noocan ah inay burinayso balan ka baxna ay ku tahay wixii aanu ku heshiinay, Somaliland marna aqbali mayso in hawadeeda laga maamulo Muqdisho oo cid gaari maamulato oo Soomaaliya si gaar ah u maamusho”ayuu yidhi wasiirka Duulista Hawadda oo ka hadlayey khilaaf xaga hawadda ah oo soo kala dhexgalay Somaliland iyo Soomaaliya.

“Qaranka Somaliland waxa uu uga digayaa beesha caalamka iyo wadanka Soomaaliya cawaaqib xumo ka dhalata ka ganacsiga hawada dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya oo qalalaase iyo xasilooni daro ku soo korodho”ayuu yidhi wasiirku waxaanu intaas ku daray “haddii arintaas ay qaramada midoobay ku adkaysato waxaanu kala galaynaa wada hadal toos ah”

“Waxaanu kala hadli doonaa Qarmadda midoobay in dawlada Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii noo dhaxeeyey, hadii ay ku cadaatana waxaanu qaadan doona go’aamo iyo talaabooyin adag oo saamayn ku yeesha qaramada midoobay iyo wadanka somaliya”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Arrimaha Hawadda ayaa Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen dhowaan dalka Turkiga in la wada maamulo oo xafiiskeedda magaaladda Hargeysa laga furo, haseyeeshee wasiirka Duulista Hawadda Soomaaliya Ciilmooge ayaa isna dhankiisa ka sheegay in xukuumadda Soomaaliya lagu soo wareejiyey, isla markaana laga maamuli doonno magaaladda Muqdisho.


:sadbron:
User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21185
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

Re: Secessionist Terrorists whining again: this time over sk

Post by sahal80 »

Imam

The agreement is still on its place but I had an info that says the international organization is not ok with changing the office from mogadishu to hargeysa because every country has a code and their somali code is some thing like MOG.

The other thing is they had a problem back then with the ex company who was managing the airport and now it was replaced with a new company.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”